Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo si adag uga hadlay xaaladda dalka

Shariif Sheekh Axmed oo si adag uga hadlay xaaladda dalka

by Laacib

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku eedeeyay in ay dib u dhac ku waddo dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si guud uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga, la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo ciidamadaba.

Mar uu ka hadlayay arrimaha amniga ayaa wuxuu sheegay in ay jireen dalalka African ah oo ciidamada ku yaboohay wax ka qabashada xaaladda amni ee dalka iyo kuwa kale oo uu sheegay inay dhaqaale ku taageerayeeen, wuxuuna sheegay in labaduba ay maanta dhammaad ku dhow yihiin, iyadoo weli ay baahi amni jirto.

“Waxaan wada ognahay argagixisada dalka maanta ka jirta dowlado ayaa kaalmo ka gaysan jiray, kuwo Afrika oo ciidamo bixinayay, kuwana waxay bixinayeen dhaqaale. Maanta wixii waxay marayaan meel geba-gabo ah, tusaale dhaqaalihii inta badan waa la gooyay, Ciidamadii Midowga Afrika way sii yaraadeen, ciidamadeennii niyad jabaa ku dhacay, Shabaabkii waa soo xoogeysanayaan, haddana laguma mashquulsana in la xoojiyo ciidamada oo dib loo abaabulo oo wixii ka maqnaa la siiyo.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda maanta jirto ay tahay midda hubka iyo dhaqaalaha ugu badan heshay, haddana aysan taasi waxba ka bedelin la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Waxaan aaminsanahay ama ay tahayba xaqiiqadu dowladdan hadda joogto waa dowladdii dhaqaalaha ugu badan iyo hubka ugu badan uu soo galay, haddana sidaas oo ay tahay arrintaas waxba kama bedelin la dagaalanka Al Shabaab. Sidaas oo kale qabaa’ilka Soomaalida qaybo ka mid ah waxay isku diyaariyeen dowladda inay amniga gacan ka siiyaan, maanta meesha ay ku dambeyso waad ogtihiin.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa kaloo uu yiri “Marka sawirka guud wuxuu ku siinayaa in aan loo soconin amni in la sugo, doorasho xor oo xalaal ah in la qabto, dastuurka in si sax ah loo dhameystiro, ummadda Soomaaliyeed oo midnimadooda ay waajib tahay in aan laga shaqeynaynin.”

Waxa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay dooneyso in ay xerto laba ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobey, oo uu ku kala sheegay Xafiiska Siyaasadda iyo Hay’adda Xuquuqul Insaanka, isagoona ujeedada ku sheegay in la doonayo in doorashada lagu boobo.

“Waxaa socota in beryahan dowladdu ay aad u riixeyso, ayadoo ku marmarsiyooneysa annaga waxaan nahay dowlad dhameystiran, xoraa nahay annagaa shaqadeenna qabsanayna, Qaramada Midoobey laba hay’adood oo muhiim ah ayaa jirta Hay’adda Siyaasadda iyo Hay’adda Xuquuqul Insaanka, labadiiba waxaa la rabaa xafiisyadoodii in la xiro. Ma isweydiiseen maxaa loo sameynayaa waxaas? Waxaas waxaa loo sameynaa doorashada in la boobo. Marka wixii waxay isugu xiran yihiin dastuurka la bedelay, ciidamada aan ku mashquulsaneyn inay la dagaalamaan Al Shabaab iyo Al Qaacidda ee ku mashquulsan inay dhibaateeyaan dadka, barakaciyaan ummadda, lagu dhibaateeyo siyaasiyiinta, dastuurka loo bedelay sida ujeedada leh iyo bixitaanka ciidamada shisheeye. Ciidamada shisheeye inay baxaan way tahay, laakiin inay goob nabada ka taggaan. Inay 15, 16 iyo 17 sano ay joogaan oo sidii Afghanistan ka dhacday ay ka dhacdo dalkan, ayagana khasaare ayay ku tahay, annagana khasaaree nagu tahay.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Annaga haddaan Soomaali nahay waan is horfadhinaa. Waxaan isku waafaqsanahay iyo waxaan isku khilaafsanahay waan wada naqaanaa, in Soomaalinimo loo wada hadlo oo loo heshiiyo oo dowladnimada sidaasi ay ku istaagto, waa waxyaabaha ay madasho isugu timid oo u taagan tahay, mana shaqeynayaan oo ma socdaan.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa Dowladda Federaalka ku dhaliilay in Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ay heshiis la tahay, kuwo kalena aysan heshiis lahayn, taasina aysan ku jirin danta iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee isagu uu hoggaamiyo ay u istaagtay in ay dhexdhexaadiso Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada aysan isku fiicneyn, si dalka looga qabto doorasho heshiis lagu yahay, balse ay dowladdu ka garab wadday waxyaabo lagu sii fogeynayo Jubbaland iyo Puntland, sida colaadda Beledxaawo iyo shirweynihii Magaalada Laascaanood ee lagu ballaarinayay Maamulka Khaatumo.

“Marka waxaan rabnaa dowladda inaan ugu baaqno doorasho xoog ah oo heshiis aan lagu ahayn oo qof iyo qori ah, dalkan xasillooni darro ayay ka keenaysaayee, nabad kama keenayso.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa arrin aan la aqbali karin ku tilmaamay hadal haynta ku saabsan in maleeshiyada Al Shabaab ay hareereeyeen Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ku timid ciidamada oo soo banneeyay difaacyadooda, ka dib markii dowladdu ay ka sii jeedsatay dagaalkii lagu la jiray maleeshiyadaasi.

“Ciidamada Dowladda waxaad ogtihiin ayagoo dadaalaaya, markii dowladdu ay ku mashquulshay waxyaabo kaloo ama siyaasad ama dhaqaale ah ay ku mashquushay, waxay keentay goobihii ay ka dagaalamayeen inay xajin waayaan oo ay uga soo baxaan cadowga. Shabaab oo laga xoreeyay Magaalada Muqdisho dhowr iyo toban sano ka hor in hadda la yiraahdo Magaalada Muqdisho ayay ku hareereysan yihiin, arrintaasu dowladnimada ayay dhaawac ku tahay, shacabka Soomaaliyeed ayay dhaawac ku tahay, arrin la aqbali karana ma ahan, maantana ciidanka jooga waxaa muuqata in la marin habaabiyay oo aan loo adeegsan wixii loogu talagalay.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa carabka ku adkeeyay in dalkan uusan ahayn mid ay koox leedahay, balse uu yahay mid ay Soomaali oo dhami leedahay, marka waqtiga saxda ahna la gaaro ay Soomaali isaga iman doonto inay aayaheeda ka tashato, isagoona madaxda ugu baaqay inta ay talada qayb ka noqon karaan inay joojiyaan waxa ay wadaan.

“Waxaan rabaa hal arrin inaan idiin sheego, dalkan horta sidiisaba qof ma leh, koox ma leh, Soomaali ayaa iska leh, markay gaarto waqtigeedana talo Soomaaliyeed ayaa imaaneysa. Marka inta talada dowladdu ay qayb ka noqon karto oo ay togan yihiin oo aan la fogeyn oo la dhihin ma soo geli kartiin miiska siyaasadda iyo miiska talada, ha joojiyaan.” Ayuu yiri Shariifka oo intaasi ku daray “Dastuur la bedeshay iyo shaati la isku tolay, Madaxweynow shalay adaa diidanaa, maanta inaad dadka ku khasabto, xaq uma lihid. Kuwa adiga kaa horreyay waxa ay bedesheen dastuur keliya, adiga waxaad bedelatay dastuurkii, ciidankii dhinac kalaa u jiheysay, hantidii qarankana waxaa ku socdo boob aan caadi ahayn.”

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa soo laba kacleeyay Arbacadii, ka dib markii aan wax heshiis ahi laga gaarin wada hadaladii labada dhinac muddooyinkan uga socday Muqdisho ee xalka loogu raadinayay khilaafka masiiriga ah ee taagan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc