Home Wararka Maanta Macawiisley laga sagootiyay Garoonka Aadan Cadde oo ku wajahan Buuloburde

Macawiisley laga sagootiyay Garoonka Aadan Cadde oo ku wajahan Buuloburde

by Laacib

Tobanaan ka mid ah Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley oo muddooyinkii u dambeysay lagu daweynayay Magaalada Muqdisho ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.

Xubnahan ayaa horey xaalad caafimaad loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ku dhaawacmeen dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa xubnahan ka sagootiyay Garoonka Aadan Cadde, iyagoona ku wajahan Buuloburde, ka dib markii ay intooda badan ka soo kabteen dhaawicii soo gaaray.

War ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in xubnahan ay uga mahadceliyeen Dowlad Goboleedka Hirshabelle is garabtaaga ay u sameysay iyo inay dib ula midoobaan qoysaskooda, oo muddo ay kala maqnaayeen.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa bogaadiyay, sida xoogagan ay mar kale diyaar ugu yihiin in ay ku laabtaan goobta dagaalka, isla-markaana ay tani rajo u tahay shacabka Soomaaliyeed.

Macawiisleyda oo ah maleeshiyaad qabaa’il ayaa loo abaabulay in ay Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeraan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc