Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku diyaarinaya safar uu qorsheynayo in uu ku gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Magaalada ayaa waxaa looga diyaargaroobaya soo dhaweynaya wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku wajahan Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Isniinta ama Talaadada uu gaari doono Magaalada Dhuusamareeb, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin, isla-markaana uu socdaalkiisu daaran yahay dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo inuu kormeero mashaariicda halkaasi laga fulinayo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu xarigga ka jari doono xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaaladaasi, sida Xarunta Baarlamaanka Galmudug, isagoona kormeeri doona mashaariicda kale ee horumarineed ee magaalada ka socda, sida dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib u xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaalanka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in la soo nooleeyo iskaashigii ciidamada iyo shacabka iyo sidii dadka reer Galmudug ay kaalintooda uga soo dhalaali lahaayeen.

Ma cadda in Madaxweynuhu uu booqan doono jiidda hore, balse qorshihiisa ayaa waxaa qayb ka ah in uu kormeero Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doonnaa Madaxda Galmudug, bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ku jiraan odayaasha & waxgaradka deegaanka iyo weliba Saraakiisha Militariga, oo uu weydiisan doono in loo dhaqaaqo in la qabto dhulka maqan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan la ogeyn in Dhuusamareeb uu ka dhigan doono bar uu kala socdo hawlgalka la doonayo in Al Shabaab lagaga saaro Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa bartamihii sanadkii 2023 saldhig ka sameystay magaaladan, markaas oo ciidamadu ay guluf ballaaran ku hayeen Shabaabka Galmudug iyo Hirshabelle.

Ciidamada ayaa daba-yaaqadii sanadkii 2022 iyo sanadkii xigay ee 2023 ku guuleystay in ay Al Shabaab ka saaraan inta badan deegaanada labadaasi maamul, ha yeeshee hawlgalka oo hakad uu ku yimid ayaa keentay in Shabaabku ay ka faa’iideystaan, isla-markaana ay dib u soo qabsadaan inta badan dhulkii laga kiciyay.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa imanaya toddobaadyo ka dib, markii Shabaabku ay qabsadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, taasoo halbowle u ah isu socodkooda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc