Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley faray inay ka baxaan difaaca, oo ay weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, mar uu booqanayay Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wasiirka oo ciidamada kula hadlay deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga Degmada Cadale ayaa sheegay in ay in muddo ahba difaac ku jireen, haddana la joogo xilligii ay hore u dhaqaaqi lahaayeen.
“Waxaa tihiin mujaahidiin, muddaa dhufeysyada lagu sugnaa, afar bilood iyo shan bilood sidaan u malaynayo.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo bogaadiyay adkeysiga ciidamada ee inay difaacyadooda xejistaan, isla-markaana ay hakiyeen weeraradii kooxaha argagixisada.
“Dagaalka waxaa ka daran in dhufeyska lagu sugnaado, waa loo soo tababartay waa dhib badan yahay, waana mashaqo badan yahay. Dagaalku saacaduu socdaa ama maalmuu soconayaa, laakiin in lagu sugnaado waa meesha raggu isku dhaafay. Waxaan idiinkaga mahadcelinaynaa inaad ku sugneydeen, welibana socodkii Khawaarijtana inaad darbi u dhigteen oo aad hakiseen, waadna ku mahadsan tihiin.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Fiqi ayaa sheegaya in waxa difaaca loogu jiray ay tahay in hore loogu socdo, haddana ay tahay waqtigii la dhaqaaqi lahaa.
“Waxaa inoo dhiman inaanan difaacyada ku jirinee inaan hore u socono. Waad ogtihiin ciyaalkan yaryar ee Khawaarijta inay tabar daran yihiin oo naftooda inay halligan uun u socda.” Ayuu yiri Wasiir Fiqi oo intaasi ku daray “Marka waxaan u baahanahay haddii Ilaahay yiraahdo oo loo kuurgelayaa dhufeysyada kala duwan, difaacii muddaa lagu jiray, difaacana waxaa loogu jiray hore in loogu socdo.”
Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya qaarkood ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ay ciidamada ku xoreynayaan dhulka ay haysato Al Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Sahal Cabdullaahi Cumar, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Maxamuud Maxamed Masdile iyo Xildhibaan Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.