Xubnahan ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo goosteen maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay la soo xiriireen laamaha amniga ee ka hawlgala Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Xubnahan oo afar nin gaarayay ayaa lagu soo bandhigay magaaladaasi, si loo ogaado in ay ka tanaasuleen fekerka khalafsan ee Shabaabnimada.
Dhammaantood waxaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Garabka Militariga ee Al Shabaab (Jabhadaha), oo ah kuwa ka dagaalama jiidaha hore, isla-markaana weerarada tooska ah ku qaada xeryaha ciidamada.
Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in raggan ay go’aansadeen inay isaga soo baxaan safka Al Shabaab, sababtu tahay xaaladda adag ee ku haysata duurka ama hawdka, u dulqaadasho la’aanta dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabkooda iyo hawlgalada kordhaya ee ay ciidamadu ka wadaan Gobolka Bakool.
Ciidamada Guutada 9aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa bishan kordhiyay hawlgaladooda ka dhanka ah Shabaabka Bakool.
Ciidamada ayaa habeenkii Sabtida meel u dhow deegaanka Buurdhuxunle oo hoostaga Degmada Waajid ee gobolkaasi ku dilay Xuseen Macalin Xasan (Magaalabeen), kaas oo Wasaaaradda Gaashaandhiga ay ku sheegtay in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab.
Wasaaradda ayaa Axaddii sheegtay in si weyn loo baadigoobayay ninkan, oo ay ku eedeysay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay falal argagixiso oo lagu dhibaateeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku nool Gobolada Gedo, Baay, Bakool, Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Taliye Kuxigeenka Guutada 9aad, Dhamme Cilmi Aadan Isaaq oo ku sugan aagga Degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada gobolka ay gudanayaan waajibaadkooda qaran.