Laba qof ayaa ku dhimatay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Jabad Geele oo ka mid ah xaafadaha Ceelasha Biyaha, halkaas oo muddooyinkan uu ka taagnaa buux ku aaddan duminta guryaha.
Dadka deegaanka iyo Maamulka Ceelasha Biyaha ayaa tan iyo bishii June qoorta isku la jiray, sababtoo ah dadka xaafadda Jabad Geele qaarkood oo si weyn uga horyimid dumin lagu qoray guryahooda. Dadkan ayaana ku doodaya in ay sifo sharci ah u haystaan boosaska ay guryahooda ku yaallaan.
Buuqa ka taagan Ceelasha Biyaha ayaa cirka isku shareeray, ka dib markii dhawaan dadka iska leh hantida ma guurtada ah lagu soo rogay amar ah in ay bixiyaan canshuur dheeri ah, oo dadku ay ku cawdeen in ay ku adag tahay in ay bixiyaan canshuur sidaasi u badan, iyagoona ku andacooday inaysan garaneyn sababta keentay in khasab lagaga dhigo inay bixiyaan canshuur aysan awoodin.
Maamulka Ceelasha Biyaha oo kaashanaya laamaha amniga ayaa bilaabay in la soo xiro dadka diidan inay bixiyaan canshuurta ay sheegayaan in aan xaq loogu lahayn.
Si kastaba ha ahaatee qaraxa Khamiistan ka dhacay xaafadda Jabad Geele ayaa lala eegtay gaari uu leeyahay Maamulka Ceelasha Biyaha, kaas oo qayb ka ah gaadiidka lagu soo xiro dadka.
Labada qof ee qaraxa ku geeriyooday ayaa lagu kala magacaabi jiray Cali Ciid Kadawo iyo Macalin Maxamed Cumar, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay askari ka tirsan Booliska Ceelasha Biyaha.
Macalin Maxamed Cumar oo caan ka ahaa Jabad Geele ayaa ahaa Macalin Dugsi Quraan, isagoona ka mid noqday dadka la amray in la soo xiro, haddii lacagta canshuurta ee laga doonayo aysan bixin karin.
Qaraxan oo burbur xoog leh uu ka soo gaaray gaarigaasi ayaa u muuqdo mid horey waddada dhinaceeda loogu sii diyaariyay, iyadoona jugta qaraxaasi laga maqlay Ceelasha Biyaha oo dhan.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse Al Shabaab ayaa aalaaba sheegata masuuliyadda qaraxyada ceynkani oo kale ah.