Waxaa saaka mar kale Magaalada Muqdisho lagu toogtay laba nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ee ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil toogasho ah ku fulisay Anas Cabdiqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow), kuwaas oo horey loogu helay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, gaar ahaan shabakad ka kooban lix xubnood oo dilalka gaadmada iyo qaraxyada la sheegay inay ka gaysan jirtay Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada ayaa 17-kii bishii April ee sanadkii 2023 gacanta ku soo dhigay labadan nin, ka dib hawlgal lagaga jawaabayay qarax la sheegay inay la beegsadeen gaari Cabdi Bile, oo ay leeyihiin Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.
Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Iidow ku heshay in uu dilay Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood), halka Salmaan lagu helay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed, kuwaas oo dhammaantood lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.
Maxkamadda ayaa 22-kii bishii May ee 2023 ku ridday xukun dil toogasho, oo ah qiyaasta dadkii ay gacantooda ku dileen.
Qareenadii u doodayay raggan ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, wuxuuna kiiskooda u wareegay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda Sare oo dhageystay doodihii dhinacyada ayaa 30-kii bishii September ee sanadkaasi ayidday xukunkii dilka ahaa ay horey Maxkamadda Darajada 1aad ugu ridday labadaasi nin, sida uu xilligaasi ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, General Liibaan Cali Yarow.
Dilka lagu fuliyay raggan ayaa tirada xubnaha Shabaabka ee bishan August lagu toogtay Magaalada Muqdisho ka dhigeysa toban nin.
Maxkamadda Militariga ee Muqdisho oo kol hore hakisay fulinta xukunada dilka ayaa bishan dib u bilowday.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan fulinta xukunada dilka ah ee lagu fulinayo gacan ku dhiigleyaasha.