Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Emirate-ka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Emirate-ka Carabta

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Emirate-ka Carabta, Shakhboot Nahyan Al Nahyan oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu guda jiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka laguma faah faahin waxa uu dhambaalku yahay, haddii ay salaan noqon lahayd amaba martiqaad lagu soo martiqaaday booqasho uu ku yimaado dalkaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Wasiiru Dowlaha booqashadiisa iyo garab istaaga ay shacabka iyo Dowladda Imaaraadku u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa farriin gaar ah u gudbiyay Madaxweyne Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, isaga oo adkeeyay sida Somaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta, isla-markaana tilmaamay dadaalada socda ee lagu xaqiijinayo amniga, dimuqraadiyeynta iyo horumarka dalka.” Ayaa lagu yiri warka.

Inkastoo Abu Dhabi ay Madaxweyne Xasan Sheekh ka taageertay dib u doorashadiisii madaxtinimada dalka ee sanadkii 2022, haddana xiriirka labada dhinac ayaa la sheegaa in muddooyinkii u dambeysay aanu wanaagsaneyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc