Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo is afgarad oo la xiriira dhnaca difaaca

Golaha Wasiirada oo ansixiyay heshiisyo is afgarad oo la xiriira dhnaca difaaca

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta ansixiyay heshiisyo is afgarad ah, oo dowladdu ay la gaartay saddex dal oo laba ka mid ah ay yihiin kuwa Carabta.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayay Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa wuxuu goluhu ku ansixiyay heshiisyada is afgaradka, oo lagu sheegay kuwo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

War lagu daabacay bogga wararka ee Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in heshiisyada is afgaradka ee la ansixiyay ay Wasaaradda Gaashaandhiga la gashay Wasaaradaha Gaashaandhiga ee dalalka Jordan, Qatar iyo Pakistan.

“Heshiisyada is afgarad ee uu goluhu ansixiyay ayaa kala ah, heshiis is afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhiga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Boqortooyada Urdun, heshiis is afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhiga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Qatar, heshiis is afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhiga JFS iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.” Ayaa lagu yiri warka.

Warbixinta laguma sheegin goorta heshiisyadaasi la galay, muddada ay soconayaan, shuruudaha ay ku dhaqangelayaan iyo waxa ay Somaliya ku bedelaneyso in amnigeeda laga taageero.

Somaliya ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 Turkiga la gashay heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha oo soconaya muddo 10 sano ah. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ah in Ankara ay dib-u-dhisto Ciidanka Badda, si Somaliya looga gacan siiyo amniga iyo ilaalinta xeebaheeda.

Turkiga ayaa ku dhawaad toban sano Somaliya kala shaqeynayay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo qalabeyntooda, amniga, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xiriirka labada dal ayaa xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, taasoo ka dambeysay booqashadii uu Raysal Wasaarihii hore ee Turkiga, haddana ah Madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan uu bishii August ee sanadkii 2011 uu ku yimid Magaalada Muqdisho, isagoona waqtigaasi indhaha caalamka ku soo jeediyay Somaliya, xilligaas oo Gobolada Koonfureed ay ka jireen abaaro ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay rubac milyan qof. Booqashadiisan taariikhiga ah waxay timid, xilli reer galbeedka ay Somaliya u arkayeen dal aan la tagi karin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc