Home Wararka Maanta Firdhiye oo ay u badan tahay in uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Waqooyi Bari

Firdhiye oo ay u badan tahay in uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Waqooyi Bari

by Laacib

Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa u gudbay wareegga labaad ee tartanka doorashada madaxtinimada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, iyagoo noqday xubnaha ugu codka badan ee wareegga koowaad ee doorashada.

Wareegga koowaad ee doorashada ayaa waxaa si la yaab leh ugu haray Musharax Madaxweyne Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo la saadaalinayay in uu u gudbi doono wareegga labaad.

Firdhiye ayaa wareegga koowaad ku guuleystay 36 cod, halka Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu isna helay 20 cod, sidaasi ayayna ku noqdeen labada musharax ee ugu codka badan ee doorashada ku tartamaya wareegga labaad.

Guddiga Doorashada ayaa hadda guda gelaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeeyaan labada musharax, si ay go’aan uga gaaraan kan dhowrka sano ee soo socda hoggaamin doona Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa la baajin karaa, haddii laba musharax uu midkood u tanaasulo midka kale.

Firdhiye ayay u badan tahay in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda, haddii uu u baahan yahay wax ka yar 7 cod, si uu ugu guuleysto tartanka doorashada, marka la fiiriyo codadkii uu helay wareegii koowaad.

Firdhiye ayaa daqiiqadihii u dambeeyay taageero ka raadsanayay saddexda musharax ee haray ee kala ah Jamaal Maxamed Xasan, Rashiid Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc