Home Wararka Maanta Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Waqooyi Bari

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Waqooyi Bari

by Laacib

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) ayaa waxaa hadda loo doortay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Laascaanood.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaab gacantaag ah ku doortay Musharax Madaxweyne Kuxigeen, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ka dib markii keligiis uu soo xaadiray goobta doorashada.

Tartanka ayaa waxaa isaga haray xubnihii kale ee isku diiwaangeliyay jegada Madaxweyne Kuxigeenka maamulkaasi.

Xubnaha ka haray tartankan ayaa kala ah Cumar Daahir Xasan, Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar (Dhegacadde) iyo Maxamed Cabdi Bulaale.

Tani ayaa ka dambeysay, ka gadaal markii Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee shanta sano ee soo socota.

Cabdirashiid Abwaan ayaa la filayay in uu noqon doono Madaxweyne Kuxigeenka Waqooyi Bari, haddii Firdhiye uu ku guuleysto jegada Madaxweynaha.

Firdhiye iyo Abwaan ayaa la aaminsan yahay in ay taageereysay Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee la doortay ayaa loo dhaariyay hoggaanka maamulkaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc