Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in hawlgal gaar ah lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo ay sheegtay in lagu dilay galbeedka Gobolka Hiiraan.
Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegeysa in hawlgalkan oo ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah laga fuliyay deegaanka Show oo hoostaga Degmada Jalalaqsi, isla-markaana lagu dilay Xuseen Cabdullaahi Dalab (Caamir).
NISA ayaa waxay sheegtay in horjoogahan uu ku magacawnaa Madaxa Amniyaadka Al Shabaab ee Hirshabelle (Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe).
Amniyaadka ayaa ah garabka Al Shabaab u qaabilsan dilalka qorsheysan ee ay ka gaystaan magaalooyinka iyo deegaanada ay maamulaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Amniyaadku waa niman bastoolado ku hubeysan oo fuliya dilalka gaadmada ah, kuwaas oo bulshadu ay ugu yeerto (Madax Jebiska).
NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Caamir uu ahaa nin dadka laayo, isla-markaana ay caawa soo afjareen.
Warka NISA ayaa u qornaa:-
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal culus oo si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Show ee Gobolka Hiiraan.
Hawlgalkan waxaa lagu dilay horjooge Xuseen Cabdullaahi Dalab oo loo yaqaanay “Caamir,” kaas oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Amniyaadka Qaybta Hirshabelle.
Dhagarqabahan oo dhiigya-cab ahaa, kana qayb qaatay falal badan oo dhagar ah ayaa ugu dambayn nafta la dhaafiyay.