Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Midowga Yurub

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub Midowga Yurub ee dalka, Francesca Di Mauro.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waraaqaha aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay Safiirka Netherlands ee dalka, Danjire Henk Jan Bakker.

“Madaxweynaha ayaa Safiirada ugu hambalyeeyay in ay ka mid noqdeen diblomaasiyiinta ka hawlgala Somaliya, isagoo tilmaamay in ay wada shaqayn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo Dowladda Somaliya.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Dhankooda Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska.”

Francesca Di Mauro ayaa bedeleysa Karin Johansson, taas oo labadii sano ee ugu dambeysay ku magacawneyd Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc