Kabtan Nuur Karkaar oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka badbaaday qarax maanta ka dhacay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa mid lagu xiray gaariga sarkaalkan oo horyiilay afaafka hore ee hoyga uu ka degan yahay magaalo xeebeedka Baraawe.
Qaraxa ayaa burburiyay qaybta dambe ee gaarigan oo noociisu uu ahaa TOYOTA HILUX, xilli sarkaalkaasi uu ku jiray hoygiisa oo ku yaala barxadda Sheekh Aweys ee magaaladaasi.
Sarkaalkan ayaa soo duubay muuqaal uu uga warbixinayo qaraxaasi iyo in uu Alle ka badbaadiyay, mana sheegin cid wax ku noqotay qaraxa.
“Gaariga waa baaba’ay eber waaye rajo ma leh. Nafsaddeenna Ilaahay ayaa badbaadiyay, laakiin anigaa sigtay, maraan imaaday, markaan imaaday oo gudaha galay ayay qarxiyeen.” Ayuu yiri Nuur Karkaar.
Nuur Karkaar oo horey u soo noqday Taliye Kuxigeenka Daraawiishta Baraawe ayaa yiri “Ciidankii waardiyaha saarnaa, intii xalay roobka da’aayay ayaa laga faa’iideystay.”
Intaasi ka dib ayay dadka deegaanka ku soo baraarugeen ciidamo soo weeraray hoyga sarkaalkaasi, oo si khasab ah ku wadanaya. Barraha bulshada ayaa waxaa wareegaya muuqaal muujinaya ciidamada oo jujaabaya ninkaasi. Muuqaal kale ayaa laga arki karay ciidamada oo xabadka dhulka u dhigay sarkaalkaasi.
Goobjoogeyaasha ayaa waxay sheegeen in ciidamadu ay jirdileen Nuur Karkaar, ka hor inta aan xabsiga loo taxaabin.
Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ee ka hawlgala Baraawe ayaa laga soo xigtay in sarkaalku uu diiday in hoygiisa la baaro, ka dib qaraxaasi.
Hase yeeshee Kabtan Karkaar ayaa muuqaalkii uu uga warbixinayay qaraxaasi ku sheegay “Ciidanka waa imaadeen, guriga dhan waa la baaray.”
Saraakiisha Ciidamada ayaa si adag loogu dhaliilay in ay u dhaqmeen si masuuliyad darro ah, isla-markaana ay sifo aan sharci ahayn u mareen xarigga ninkaasi.
Saraakiisha oo aan ka jawaabin eedeymaha loo jeedinayo ayay laamaha amnigu qaadeen tallaabo kale oo nabadgelyada la xiriirta, iyagoo iska sii jeedinaya indhaha ku soo foorara.
Taliyaha Saldhigga Booliska Baraawe, Gaashaanle Maxamed Cali Guud iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo hawlgal ka sameeyay magaalada ayaa tiro kale oo dad ah u soo qabqabtay qaraxaasi, iyada oo lagu eedeynayo in ay ku lug lahaayeen qaraxaasi.
Xarigga Nuur Karkaar ayaa xaalad kacsanaan ah iyo hadal hayn badan ka abuuray gudaha magaalada, iyadoo dadka qaar ay ku andacoonayaan in qorshe laga lahaa xariggiisa.
Bulshada qaybteed ayaa ku doodeysa in ninkaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay fursad uun ku raadineyso, sida uu ku soo geli karo kiis ku saabsan in uu isagu yahay midka ka dambeeya qaraxan ka dhacay magaalada, weliba ilinka hore ee hoygiisa.
Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo), Gudoomiyihii hore ee Degmada Baraawe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay “Bambooyinkaan oo halka reer lee baabuurtooda ku dhagaayo oo aan baabuurta kale ku dhageynin oo haddana lagu beegsanaayo haldoorka halkaa reer ka soo jeeda, yaa lagu marin-habaabinooyaa.”
Inkasta oo hay’adaha ammaanka aysan wax war ah ka soo saarin xiisadda ka dhalatay xarigga ninkaasi, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in xabsiga laga sii daayay, iyadoo xaaladda la qaboojinayo.