Home Dhacdooyin Ciidamada Mareykanka oo lagu weeraray duleedka Magaalada Kismaayo

Ciidamada Mareykanka oo lagu weeraray duleedka Magaalada Kismaayo

by Laacib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamadooda iyo la hawlgalayaasha African-ka ay la kulmeen rasaas (weerar) aan toos ahayn, meel u dhow Magaalada Kismaayo.

Taliska ayaa xalay qoraal kooban oo lagu daabacay bartooda Twitter-ka ku sheegay in weerarka oo dhacay Khamiistii aanu gaysan wax khasaare ah.

“Ma jiro wax dhaawac Mareykan ah oo la soo sheegay. Illaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray saldhigga iyo hantida isbahaysiga.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyadooda ay xalay hawlgal ka fuliyeen Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, gaar ahaan qaybta ay ka degan yihiin Ciidamada Mareykanka.

Warbaahintu waxay sheegtay in hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan uu u dhacay, sidii loogu talagalay, isla-markaana uu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Ciidamada iyo Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan garoonkaasi.

Al Shabaab oo mar dambe warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in hawlgalka loogu aargudayay xasuuqa uu Mareykanku gadaal ka taagan yahay ay Israel ku hayso shacabka Falastiin.

Militariga Mareykanka ayaa dhinac ka degan Xerada Ciidanka Kumaandooska Danab ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Saldhiggan ayaa laga hoggaamiyaa hawlgalada laga fuliyo deegaanada Jubbaland, si gaar ah Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Ciidanka Danab oo Mareykanka uu tababaro ayaa saraakiishiisa dalka ku sugan kala shaqeeya weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsado horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AUSSOM) ayaa iyana saldhig ku leh garoonka diyaaradeed ee Jubbaland ugu weyn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc