Home Dhacdooyin Dagaalka ka socdo Marinka Gaza oo galay maalintii 700-aad

Dagaalka ka socdo Marinka Gaza oo galay maalintii 700-aad

by Laacib

700 oo maalmood ayaa maanta u buuxsantay muddada dilka maalinlaha ah ee ay Israel ka waddo deegaanada Marinka Gaza ee Falastiin, dadkana ay qaxii iyo burburintii guryahooda ugu dartay in ay gaajeysiiso.

Iyadoo Israel ay ku andacooneyso in ay waddo guluf dagaal oo ay ku burburineyso Ururka Xamaas ayaa waxaa dagaalkeeda lagu sheegay mid ka dhan ah shacabka aan is difaaci karin.

Israel oo aan wax naxariis ah u muujineyn dadka ku nool Marinka Gaza ayaa saacadihii dambe ee Khamiistii ballaarisay ololaheeda militari ee dhinaca dhulka, ka dib markii kumanaan ka mid ah ciidamadeeda ay u dhaqaajisay, si ay u qabtaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Israel ayaan wax dheg jalaq ahi u siinin digniinaha caalamiga ee laga soo saaray cawaaqibka uu hawlgalkeedan ku yeelanayo dadka rayidka ah iyo in uu uga sii darayo xaaladda ba’an ee bani’aadantinimo ay diidan tahay in wax laga qabto ee ka taagan dhulkaasi.

Hay’adaha bani’aadantinimada iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa sheegay in masiibo bani’aadantinimo oo aad u daran ay ka jirto dhammaanba qaybaha Gaza, waxayna Israel ku eedeeyeen inay hortaagan tahay in raashiinka, biyaha, sahayda dawada iyo shidaalka la geeyo Gaza.

Falastiiniyiinta Gaza oo markii horeba dhibane u ahaa duqaymaha taxadar la’aanta Israel ee nafaha badan galaafanaya ayaa waxaa xaaladdooda sii adkeeyay qorshaha ay Israel sida ula kaca ahi ugu gaajeysiineyso dadkaasi.

Qaramada Midoobey ayaa 22-kii bishii August ku dhawaaqday in ay macluul ka dilaacday Marinka Gaza, isla-markaana ay ka dhalatay xanibaadaha Israel ee gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo inta badan hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay, isla-markaana ka horyimid qaabka ay Israel u waddo dagaalkeeda Gaza.

Hoggaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan xulafada Israel ee reer galbeedka ayaa ugu baaqay inay ogolaato in gargaar macno leh uu galo Gaza, isla-markaana ay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo Saxafiyiinta, ha yeeshee ay weli si aan kala sooc lahayn ay u waddo dilka dadka aan hubeysneyn.

Israel ayaa si indha la’aan ah shacabka aan waxba galabsan ugu leynayso goobaha ay ku badan yihiin iyo weliba meelaha ay gabaadsanayaan, oo ay ku jiraan dhulkii ay shacabka u sheegtay in badbaadada u doontaan.

Dagaalkan ayaa khilaafkii ugu weynaa ee taariikhda ka dhex huriyay Israel iyo Qaramada Midoobey, ka gadaal markii ay Gaza ku dishay boqolaal ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada, kuwaas oo noqonaya samafaleyaashii ugu badnaa ee goob qura lagu dilo, wax yar laba sano.

Qaramada Midoobey ayaa dilka shaqaalaheeda ku sheegtay khasaarihii ugu weynaa ee ebid hal meel loogu gaysto shaqaalaha gargaarka.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa burburiyay inta badan Xarumihii Qaramada Midoobey ee Marinka Gaza, taasoo ka yaabisay Xoghaye António Guterres.

Israel oo muddada uu dagaalkan socdo marba xanibeysay gargaarkii ay hay’adaha bani’aadantinimada keenayeen Gaza ayaa markii dambe hay’adahaasi oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobey ka joojiso in ay wax gargaar ahi geliyeen dhulka go’doonsan, waana markii koowaad ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobey uu sidaan oo kale u dhaqmo.

Xoghaye Guterres ayaa bishii December ee sanadkii 2023 markii ugu horreysay adeegsaday Qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey, isagoo xilligaasi dareemay khatar soo wajahday nabadda iyo amniga caalamiga ah, wuxuuna Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka codsaday inay qaadaan tallaabo lagu joojinayo duulaanka Israel ee Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xilligaasi sheegay in weerarada Israel ee Gaza iyo habdhaqankeeda Daanta Galbeed ee la haysto ay dunida u horseedeyso xasillooni darro, sidaasi daraadeedna uu golaha uga codsaday inay tallaabo qaadaan, walow uu goluhu ku guuldareystay in hal dhinac looga soo wada jeesto Israel, si loo xakameeyo.

Guterres ayaa hoggaamiyeyaasha caalamka ku dhalleeceeyay in ay wax ka qaban la’yihiin ku tumashada Israel ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka. Waxa uu sheegay in Israel ay sababtay in la wayo meel qura oo Gaza ka mid ah oo ammaan ah, xitaa isbitaalada ayuu sheegay inay ka dhigtay goob dagaal.

Xiriirka Qaramada Midoobey iyo Israel ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay, waxayna Israel ay sanadkii hore bilowday inay u ololeyso in shaqada laga eryo Guterres, sababtu tahay farmuuqa uu ku hayo ficiladeeda argagaxa leh, inkastoo aysan u suurtagelin in ninkaasi la eryo.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Israel ku eedeeyay in ciidamadeeda ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza. Qaabka ay Israel u dhaqmeyso ayuu sheegay inay liddi ku yihiin shuruucda caalamiga ah.

Qof walba oo ku nool Gaza ayaa la sheegaa in uu dil ugu xukuman yahay Israel, marka aad eegto in ay dileyso qof kasta oo gacanteeda ay gaari karto, taasna waa tan ka weecisay in illaa iyo hadda ay xaqiijin weydo guusha dagaalka ay u baahan tahay.

Ugu yaraan 64,300 oo qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka 162,005 kalena la dhaawacay, muddada uu socdo dagaalkan, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Wasaaradda ayaa Jimcahan sheegtay in ay diiwaangelisay saddex qof oo hor leh oo 24-kii saac ee la soo dhaafay gaajo ugu geeriyooday Marinka Gaza.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada dadka gaajada u dhintay ee ay diiwaangeliyeen ay gaartay 376 qof, oo ay ku jiraan bay tiri 134 carruur ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc