Home Dhacdooyin Nin nabadoon ahaa oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Sanaag

Nin nabadoon ahaa oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Sanaag

by Laacib

Allaha u naxariistee Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sanaag ayaa ku geeriyooday duqayn ay maanta diyaarad dagaal u gaysatay gaari uu la socday.

Gaariga oo ka ambabaxay deegaanka Ceelbuh, kuna wajahnaa Degmada Badhan ayuu weerarku ku qabsaday meel u dhow halka lagu magacaabo Jincayo oo hoostagta Ceelbuh.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay dhowr gantaal ku ridday gaarigaasi, ugu yaraan mid ka md ahna ay la heshay, iyadoo gaarigu uu ku basbeelay duqaynta loo gaystay, isla-markaana uu ku dhintay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi.

Hase yeeshee Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in diyaaraddu ay saddex gantaal ku dhufatay gaariga, isla-markaana uu gaarigu la socday walaalkii oo qura.

Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in si xun loo dilay walaalkii, isla-markaana ay dishay diyaarad dagaal, isagoo intaasi ku daray in ay la xiriireen masuuliyiinta Puntland, ayna u sheegeen in goobta loo soo diri doono hay’adaha ku shaqada leh, si ay baaritaan ugu sameeyaan cidda gaysatay duqayntaasi.

Cali Cabdullaahi oo meesha ka saaray in walaalkii uu xiriir la lahaa kooxaha argagixsada ayaa sheegay in uu ahaa caaqil beeleed oo la wada garanayo, isla-markaana ay Puntland ka sugayaan inay soo caddeyso cidda dishay walaalkii iyo sababta loo dilayba.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ceelbuh ayaa waxay sheegeen in maalmahaanba ay diyaarad drone ah ku dul wareegeysay deegaankaasi, iyadoo aan la aqoon sababta iyo weliba dalka laga leeyahay.

Dadka reer Ceelbuh ayaa sheegay in ay maqleen jugta duqaynta, wax yar ka dibna ay war heleen in diyaaraddii ku dul wareegeysay deegaanka ay beegsatay gaarigii uu caaqilku la socday.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalad aad u kacsan ay ka jirto Ceelbuh, illaa iyo haddana ay dadku la anfariirsan yihiin duqayntaasi lagu dilay caaqilka.

Duqayntan ayaa lagu sheegay mid ku cusub dadka deegaanka oo naadir ku ah Gobolka Sanaag, marka aad eegto in lagu bartilmaameedsaday gaari uu la socdo nin nabadoon ah oo deegaanka caan ka ahaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc