Home Dhacdooyin Mareykanka oo sheegay in nin hub ka iibiyay Shabaab ay ku dileen Gobolka Sanaag

Mareykanka oo sheegay in nin hub ka iibiyay Shabaab ay ku dileen Gobolka Sanaag

by Laacib

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa maanta xaqiijiyay in duqayn cirka ah, oo ay ka fuliyeen agagaarka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ay ku beegsadeen nin hub ka iibiyay Al Shabaab.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay in duqaynta oo la fuliyay Sabtidii oo ku beegan 13-kii bishan in lala kaashaday Dowladda Federaalka Somaliya.

Taliska ayaan sheegin magaca ninka duqaynta lagu dilay, balse ay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Somaliya kala sii shaqayn doonaan tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al Shabaab.

Tani ayaa waxay imaneysaa, xilli Sabtidii weerar xagga cirka ah lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sanaag.

Gaari uu la socday caaqilka oo ka ambabaxay deegaanka Ceelbuh, kuna wajahnaa Degmada Badhan ayay diyaarad dagaal ku duqaysay meel u dhow halka lagu magacaabo Jincayo oo hoostagta Ceelbuh.

Cali Cabdullaahi Cabdi oo la dhashay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in diyaaraddu ay saddex gantaal ku dhufatay gaarigii uu la socday walaalkii.

Cali Cabdullaahi ayaa meesha ka saaray in walaalkii uu wax xiriir ah la lahaa kooxaha argagixisada ee la doon-doonayo.

Caaqil Cumar Cabdullaahi ayaa caan ka ahaa deegaanada Sanaag Bari, iyadoona ay hadal hayn badan ka dhalatay dilkiisa.

Taliska AFRICOM ayaa warkan soo saaray, iyadoo Booliska Puntland ay Axaddii sheegeen in ay baarayaan cidda gaysatay duqaynta lagu dilay nabadoonka iyo weliba sababta loo dilay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc