Home Dhacdooyin Duqayn culus oo ka dhacday Degmada Awdheegle, xilli ciidamadu ay ku sii siqayaan

Duqayn culus oo ka dhacday Degmada Awdheegle, xilli ciidamadu ay ku sii siqayaan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ay duqayn culus ka dhacday Degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta dhowr qarax oo aad u waaweyn, isla-markaana ay dib ka ogaadeen in la duqeeyay maleeshiyada Al Shabaab ee horaan difaaca ka sameysatay afaafka hore ee degmadaasi, gaar ahaan meel ku beegan waddada isku xirto Awdheegle iyo Bariire.

Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay hawlgal qorsheysan ku beegsadeen Shabaab ku sugnaa Degmada Awdheegle.

Wasaaradda ayaa waxay galabta war ay soo saartay ku sheegtay in hawlgalkaasi lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa sida ay tiri Khawaarijta, oo ay ku eedeysay in ay ku howlanaayeen falalka lagu dhibaateynayo beeraleyda deegaanka.

“Hawlgalkaas ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka dhowr kale lagu dhaawacay, xilli ay ku howlanaayeen falal lagu dhibaateynayay beeraleyda deegaanka. Argagixisadu waxay si ula kac ah biyo ugu fureen beeraha, iyaga oo ujeedkoodu ahaa in lagu curyaamiyo beerashada iyo ganacsiga dadka deegaanka.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa intaasi ku daray “Ciidanka Xoogga Dalka waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka Soomaaliyeed, loona taageero horumarinta nolol maalmeedka bulshada.”

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa si gaabis leh ugu sii siqaya degmadaasi, taas oo gacan ku haynteeda ay ciidamadu lumiyeen 15-kii bishii March ee sanadkan.

Ciidamada ayaa bartamihii bishii ina dhaaftay ee August cagta saaray waddada tagta Awdheegle, maalmo ka dib markii ay dagaal culus kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bariire oo aan sidaasi uga fogeyn degmadaasi.

Inkasta oo Awdheegle iyo Bariire ay 12km oo keliya ay isku jiraan, haddana ciidamada ayaa waxay ka feejigan yihiin maleeshiyaad kooxo kooxo u abaabulan, oo Shabaabku ugu talagaleen inay carqaladeeyaan gulufka ku soo wajahan degmada.

Kooxahan ayaa la sheegay in ay miinooyin ku aaseen waddada, isla-markaana ay biyaha Webiga Shabelle si toos ah ugu furayaan dhulka beeraha ee halkaasi ku yaala, iyagoo ka damacsan in ay ku hakiyaan ciidamada iyo gaadiida ay wataanba.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in maalmihii u dambeeyay uu yaraaday isu socodka dadka ee Awdheegle iyo Bariire, dadka yar ee imaanayaana Awdheegle ay bilaabeen inay duleedyadeeda ka soo raacaan doomo yaryar, haddii ay biyaha u arkaan mid aan lagu socon karin.

Shabaabka ayaa la sheegay in si aan horey loo arag ay biyo xoog lihi ugu fatahinayaan dhulka beeraha ee Awdheegle.

Dadka reer Awdheegle ayaa kuu sheegaya in fatahaadaha biyaha webiga ee sida ula kaca ahi loo soo leexiyay ay baabi’iyeen dalagii beeraha ay dhawaan uun dadku beerteen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay xitaa miinooyin ku xireen geedaha ku yaala afaafka hore ee Awdheegle, qaarkoodna ayba geedahaasi saaran yihiin, si ay wax uga toogtaan.

Ilo wareedyada ayaa waxay kaloo sheegayaan in xubnaha Shabaabka qaarkood ay dhufeysyo ka sameysteen jawaano carro ah oo is dul raseysan, maadaama aysan suurtagal ahayn in dhulka uu daadadka webiga halakeeyay ay godad ka qotaan.

Ciidamada Militariga ayaa 6-dii bishii August ee sanadkii 2019 dagaal kula wareegay Awdheegle, ka dib muddo ay Shabaabku ka arriminayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc