Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa goor dhow shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay gudaha u galeen degmadaasi, isla-markaana ay ka saareen maleeshiyada Al Shabaab.
Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga oo wax yar ka dib warka wasaaradda Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga Uganda ee ka tirsan AUSSOM ay qabteen degmadaasi.
“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareynaynaa in maanta ay gacanta ku jirto Degmada Awdheegle iyo tuulooyinka hoos yimaada iyo in miino baaris laga sameeyay degmada iyo hareeraheedaba oo amni ay tahay oo ciidamada ay gacanta ku hayaan.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadood, oo sida uu sheegay si buuxda gacanta ugu haya ammaanka magaaladaasi.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ammaanka magaaladaasna waxaa gacanta si buuxda ugu hayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadood.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga.
Afhayeenku ma sheegin in wax dagaal ahi uu ka dhacay magaalada iyo weliba halka ay aadeen maleeshiyadii Shabaabka ee horey u joogay.
Waa markii ugu horreyay oo ciidamadu ay dib ugu laabtaan Awdheegle, tan iyo markii gacan ku haynteeda ay lumiyeen 15-kii bishii March ee sanadkan.