Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku diyaarinaya safar la filayo in uu ugu ambabaxo Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa toddobaadyadii u dambeeyay lahaa wada hadal aan toos ahayn, oo loogu gogol xaarayay kulan toos ah, kaas oo ugu dambayn ay go’aamiyeen inay ku yeeshaan Magaalada Kismaayo. Wada hadalkan ayaa waxaa fududeeyay dalalka deriska ee Kenya iyo Itoobiya.
Xiriirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xumaaday bishii October ee sanadkii 2024, ka gadaal markii Jubbaland ay ku adkeysatay inay si ka madaxbannaan Dowladda Federaalka u maamulaneyso doorashadeeda.
Villa Somalia ayaa ka shaqeynaysay in la mideeyo Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo qorshuhu ahaa in dadweynuhu ay si toos ah u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa bishii November Kismaayo ku qabatay doorasho dadban oo lagu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland, oo iyana markii saddexaad xilka madaxtinimada u soo doortay Axmed Madoobe. Madaxda Qaranka ayaa doorashadaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah, iyagoona Axmed Madoobe ugu yeeray hoggaamiye hore.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa si adag Axmed Madoobe ugu eedeeyay in uu ballanta uga baxay, isla-markaana uu diiday siyaasaddii qaran ee ay isla qaateen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu mideynayay doorashooyinka.
Iyadoo tan iyo xilligaasi aan la xalin khilaafkoodan ayuu Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu dhawaan sheegay in uu wada hadal u socdo labada dhinac.
Waxaa suurtagal ah in labada dhinac ay haatan xal u helaan khilaafkooda halka sano soo jiitamayay, isla-markaana gacan ka hadalka gaaray, waa haddii wada hadalada Kismaayo ay miro-dhalaan.
Saraakiisha Jubbaland oo jiheynaya dadka deegaanka ayaa Kismaayo ka wada qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa jira doonis gaar ah oo labaduba ay u qabaan in la maareeyo khilaafkan, inkastoo ay jiraan caqabado ku gadaaman oo dhibaato ku noqon kara in horumar laga sameeyo wada hadalka soo socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in uu iska yareeyo cadaadiska gobolka iyo midka caalamiga ah ee lagu saarayo in la soo afjaro khilaafkan ayaa daneynaya in Axmed Madoobe uu si shuruud la’aan ah ugu soo laabto Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, isla-markaana uu u hoggaansamo mabaadi’da siyaasadeed ee Dowladda Federaalka. Shirka Golaha Wadatashiga ayaa ah madal ay ku kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Axmed Madoobe ayaan ka qaybgelin shirarkii ugu dambeeyay ee ay madaxdu yeesheen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa garowsan in soo laabashada Axmed Madoobe ay ahmiyad u leedahay dowladdiisa, sababtoo ah waxay soo afjareysaa dheelitirka awoodda siyaasadeed ee dalka. Inta Axmed Madoobe uu jiro dhinaca Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta waxay dhaawaceysaa hiigsigiisa doorashada 2026.
Axmed Madoobe ayay sanadkan aad isugu soo dhawaadeen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka, taas oo miisaan u yeeshay xiisaddii siyaasadeed ee Villa Somalia markii hore kala dhaxeysa Deni iyo Xubnaha Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta oo khilaafkoodu uu salka ku hayo arrimaha siyaasadda ee dalka, markii dambena ku soo biyo shubtay wax ka bedelkii lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka Qabyo Qoraalka uu ka kooban yahay.
Inkasta oo xiriirka Xasan Sheekh iyo Deni uu xumaaday bartamihii sanadkii 2023, haddana khilaafka Puntland iyo Villa Somalia ayaa meel adag gaaray, ka dib markii Puntland ay 31-kii bishii March ee sanadkii 2024 ku dhawaaqday in ay hakisay wada shaqayntii ay la lahayd Dowladda Federaalka, iyadoo ka carreysan tallaabada Xildhibaanada Labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka ay 30-kii bishaasi ku ansixiyeen wax ka bedelka afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG.
Ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalka ee la qabtay 15-kii bishii May ee sanadkii 2022, isla-markaana ay sanadkii xigay is qabteen Deni ayaa waxay taasi kala fogeysay Axmed Madoobe iyo Deni, sababo ku aaddan Axmed Madoobe oo si weyn ula dhacsanaa go’aankii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamse Cabdi Barre ugu magacaabay in uu noqdo Raysal Wasaaraha Xukuumadda. Axmed Madoobe ayaana Raysal Wasaaraha ka dhex arkayay in ay isu heyb yihiin. Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa mar kale dib ula midoobay Deni, taasna waxay ka dhalatay khilaafka soo kala dhexgalay isaga iyo Hoggaanka Dowladda Federaalka.
Axmed Madoobe ayaa laga yaabaa in aysan hal doon sii wada saarnaan karin Deni, marka aad eegto in uu aad ugu baahan yahay aqoonsiga Dowladda Federaalka ee madaxtinimadiisa Jubbaland, si loogu fasaxo dhaqaalihii laga xanibay, tani oo ku iman karta in uu dhageysto waxa ay Villa Somalia u meeriso.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa qaba in Axmed Madoobe uu ceeb dareemi doono, haddii uu ka baxo wixii ay Khamiistii ku heshiiyeen isaga, Deni iyo saddex ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, oo ah in ay sameystaan gole ay ku mideysan yihiin, kaas oo magaciisa uu noqon doono Golaha Mustaqbalka Somaliya.
Dhammaan calaamadahan isku dhafan ayaan la aqoon waxa ay ku dhammaan doonaan, waana tan ka dhigeysa inaanan la saadaalin karin dhinaca uu Axmed Madoobe uu gaashaan u noqon doono.
Wax kasta waxayse bannaanka iman karaaan, marka la helo natiijada kulanka la filayo in saacadaha soo socda ay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ku yeeshaan Kismaayo, waana natiijada ay quuddareynayaan danleyda siyaasadda.