Laamaha amniga ayaa maalintii labaad wada baaritaanka weerarkii ay dableyda ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay Sabtidii ka gaysteen Xabsiga Godka Jilicow ee Magaalada Muqdisho.
Weerarkan oo ku bilowday gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa waxaa daba socday dabley hubeysan oo si toos ah gudaha ugu gashay xabsigaasi, oo hadda talis u ahaa Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.
Xabsiga Godka Jilicow oo ku yaala Madaxtooyada Qaranka hoosteeda ayaa ka mid ah goobaha ugu ilaalada adag ee Muqdisho, waana xabsi inta badan lagu xiro xubnaha lala xiriiriyo kooxaha argagixisada, waana xarunta baarista ee Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).
Wasaaradda Amniga Somaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay muddo gaaban ku soo afjareen weerarkaasi, isla-markaana ay toogteen dhammaanba toddobo nin oo sida ay sheegtay fuliyay weerarka. Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in raggaasi ay adeegsadeen gaari loo ekeysiiyay gaadiidka ciidamada amniga, isla-markaana ay xirnaayeen dareys u eg midka ciidamada.
Wararka ayaa sheegaya in baaritaanka la bilaabay oo ay hoggaamineyso Hay’adda NISA uu si gaar ahi ula xiriiro, waxa laga baran karo weerarkan iyo tallaabooyinka loo qaadi karo, si looga hortago weerarada sidaan oo kale loo soo qorsheeyay.
Lama filayo in cid loo ciqaabi doono amaba ay xilkeeda ku wayn doonto dhacdadan, marka aad eegto xujada aadka u weyn ee ay haystaan hay’adaha ammaanka, oo ah in dableyda ka tirsan Al Shabaab ay adeegsadeen gaari loo soo ekeysiiyay gawaarida ciidamada ammaanka.
Laamaha amniga ayaa la sheegaya in ay soo kordhin doonaan hab cusub, kaas oo hadda ka dib lagu baari doono gaadiidka ciidamada, iyadoo cashar laga baranayo weerarkan ugu dambeeyay.
Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaad mooddaa in ay dhaqan ka dhigteen inaanan cidina loo maxkamadeyn oo loo ciqaabin weerarada qorsheysan ee ay Shabaabku ka gaysanayaan dalka, gaar ahaan Muqdisho, taas oo lagu daboolayo dacayaadda dhinaca amniga.
Istiraatiijiyad ahaan weerarkan ayaa weji gabax ku ah Dowladda Federaalka, marka aad eegto in ay soo noqnoqdeen weerarada ay Shabaabku ka gaysanayaan xeendaabka Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Weerarka ayaa soo jiitay indhaha shacabka, wuxuuna hadal hayn xoog leh ka dhex dhaliyay bulshada qaybaheeda kala duwan. Dad badani ayaa isweydiinaya, sida weerar sidaasi u abaabulan looga gaysan karo aagga uu ku yaalo aqalka looga arrimiyo dalka.
Xabsiga Godka Jilicow ayaa ku yaala meel si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, doodaha taagan ayaana muujinaya inaanay Shabaabku soo gaari kari lahayn halkaasi, haddii aysan jirin gacan gudaha ah.
Fallanqeeyeyaasha arrimaha amniga ayaan meesha ka saari karin in Shabaabku ay mar kale weerar sidaan u weyn oo kale ka gaysan karaan aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii toddobaad oo Shabaabku ay si toos ah ugu galaan meel ku taala Magaalada Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona horey weeraro ay qaraxyo ku bilowdeen ugu galay Hoteelada Villa Rays, SYL, Xayaat, Pearl, Beach View iyo Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Inkasta oo Muqdisho ay sanad iyo dheeraad ahi ka nasatay weerarada ceynkani oo kale ah, haddana weerarkan ayaa calaamad u ah in amniga magaaladu aanu gaarsiisaneyn heerkii la rabay.