Ka dib hawlgal qaatay saacado badan, Ciidamada Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay rag ku eedeysan dil hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay oo habeenkii Arbacada loogu gaystay meel ku dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay falkan u soo qabteen saddex nin oo si dhow loola xiriiirinayo, iyagoona ka soo qabtay inta u dhaxeyso Baxdo iyo Xiindheere.
Booliska Gobolka Galgaduud iyo Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda oo kaashanaya odayaasha qabaa’ilada ayaa raggan ka soo xiray dhul ay si firfircoon u joogaan maleeshiyada Al Shabaab. Ma jirto wax iska horimaad ah oo dhex maray ciidamada iyo maleeshiyada Shabaabka.
Taliska Booliska Galmudug ayaa galabta war uu soo saaray ku sheegay in gacanta lagu soo dhigay laba nin oo lagu tuhunsan yahay fal dembiyeedka naxdinta leh ee lagu dilay hooyadaasi iyo carruurtii ay dhashay. Warka ayaa lagu sheegay in lagu daba joogo eedeysane kaloo saddexaad.
Taliska ayaa war kale oo uu soo saaray ku sheegay in lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha saddexaad.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu amar ku bixiyay in raggaasi la keeno Magaalada Dhuusamareeb.
Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, Taliyaha Booliska Galmudug ayaa Madaxweyne Qoorqoor ku ammaanay in uu isagu ka dambeeyay in gacanta lagu soo dhigo eedeysaneyaasha.
Taliyaha Booliska Galmudug iyo Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Galmudug, Gaashaanle Maxamed Cabdullaahi Xaashi (Xidig) ayaa dedejin doona in raggaasi la geeyo Dhuusamareeb.
Raggan ayaa la qorsheynaya in si degdeg ah loo horgeeyo Maxkamadda Gobolka Galgaduud, si ay u dhageysato garmaqalka eedda loo haysto.
Saraakiisha Galmudug ayaan illaa iyo hadda sheegin wax sabab ah oo raggaasi ay u dileen dad aan waxba galabsan, welibana dumar ah, balse warka booliska ayaa lagu sheegay in eedeysaneyaashu ay yihiin burcad gaysatay fal fool xun.
Qoyskan ayaa habeen bar iyagoo hurda loogu dhacay hoygooda, halkaas oo si arxandarro ahi loogu dilay.
Hooyada qoyska ayaa lagu magacaabi jiray Sahra Cartan Xirsi, halka gabdhaheedana lagu kala magacabayay Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’isa Axmed Maxamuud.
Dhacdadan oo argagax ku abuurtay cid kasta oo warkeeda uu gaaray ayaa keentay in Galmudug ay laamaheeda amniga si dhakhsa ah uga hawlgalaan.