Home Wararka Maanta Taliska Militariga oo deeq gaarsiiyay dadka reer Awdheegle (SAWIRRO)

Taliska Militariga oo deeq gaarsiiyay dadka reer Awdheegle (SAWIRRO)

by Laacib

Militariga Somaliya ayaa ayaa deeq gargaar siiyay dadka yar ee ku soo laabtay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, taas oo horaantii bishan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Hoggaanka Isku Xirka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabka ee CIMIC ayaa deeqdan oo isugu jirta raashiin iyo mara kaneecooyin gaarsiiyay dadka ku soo laabtay magaalada.

Madaxa Hoggaanka CIMIC, G/sarÄ™ Iiman Maxamuud Cali oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi ayaa deeqda u qaybiyay dadka reer Awdheegle, iyadoo garab istaag loo muujinayo, ka dib dhibaato xoog leh oo la sheegay inay kala kulmeen maleeshiyada Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in maleeshiyadeeda ay gubeen guryihii dadka deegaanka, isla-markaana ay biyaha Webiga Shabelle ku fatahiyeen dhul beereedkooda, oo biyuhu ay baabi’iyeen dalagii beeraha ee ay dhawaan dadku beerteen.

Laba toddobaad ayaa laga joogaa, markii Shabaabka laga saaray magaalada, welina inta badan dadka deegaanka ayaa ka maqan deegaankooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay caadeysteen burburinta nolosha dadka rayidka ah iyo inay u diidaan adeegyada dowladeed.

Taliyaha oo dadka reer Awdheegle kula hadlayay goobtii raashiinka loogu qaybinayay ayaa ballanqaaday in Taliska Militarigu uu gacan ka gaysan doono dib u soo celinta noloshii degmada.

Inkasta oo magaaladan aan lagu dagaalamin, haddana waxaa ka muuqanaya burbur weyn oo ka dhashay Shabaabka oo dab qabadsiiyay guryaha qaarkood iyo kuwo kale oo ay u burburiyeen, si ay dhufeys uga dhigtaan.

Si kastaba ha-ahaatee deeqdan ka timid militariga ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ay dowladdu gaarsiiso dadka reer Awdheegle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc