Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoorqoor iyo Mahad Salaad oo ka heshiiyay xurguftii u dhaxeysay

Madaxweyne Qoorqoor iyo Mahad Salaad oo ka heshiiyay xurguftii u dhaxeysay

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Maxamed Kaariye (Qoorqoor) oo xiriirkoodu uu xumaa, tan iyo horaantii sanadkan.

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda NISA iyo Madaxweynaha Galmudug ay ku heshiiyeen in ay hagaajiyaan cilaaqaadkooda.

Labada nin ayaa is qabtay bishii February, markaas oo Mahad Maxamed Salaad uu damcay in uu xoojiyo ololihiisa musharaxtinimada ee xilka madaxtinimada Galmudug ee soo bilowday daba-yaaqadii sanadkii 2024, taas oo Maamulka Madaxweyne Qoorqoor aanu jecleysan.

Bishii xigtay ee March, Saraakiisha Madaxtooyada Galmudug ayaa si buuxda isku hortaagay qorshe uu Mahad Maxamed Salaad uu ciidamo kaga qoran lahaa Magaalada Dhuusamareeb, isagoo ay ka wakiil yihiin General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo ganacsadaha lagu magacaabo Cabdinaasir Xaashi Garuun, kuwaas oo si toos ah loogu sheegay in aysan ciidamada ka dhex qori karin ciidamo si gaar ahi u ilaaliya Mahad Salaad iyo in aysan xitaa Dhuusamareeb dhexdeeda ku abaabuli karin maleeshiyaad deegaanka oo taabacsan ninkaasi.

Tani ayaa waxay carqaladeysay qorshihii uu Mahad Salaad ugu soo guuri lahaa magaaladan, iyadoo ay xusid mudan tahay in xilligaas uu sideed bilood ka sii maqnaa xilka Agaasimaha NISA, oo markaasi uu ku magacawnaa Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Madaxda Dowladda Federaalka oo doonaya in ay isku hayaan Mahad Salaad iyo Qoorqoor ayaa waxay bishii June ay Ina Salaad dib ugu soo magacaabeen jegada Agaasimaha NISA, si loo wanaajiyo niyadda Qoorqoor, haddii uu Villa Somalia kala shaqeynayo siyaasadda qaran ee dalka lagu gaarsiinayo doorashada qofka iyo codka ah.

Tan iyo xilligaasi waxay labaduba ka cago jiidayeen in ay kulmaan, sabab kastaba midba midka kale haku diidee in uu horfariisto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in cadaadis kaga imanayay labada xafiis ee dalka ugu sarreya uu waddada u furay kulankoodii maanta, iyagoo xiriirkooda hagaajinaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa Qoorqoor iyo Ina Salaad u arka kuwo muhiim u ah doorashada soo socota, khilaafkooduna uu wax kaga dheeli karo, haddii aan la dhameen.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa la aaminsan yahay in ay Qoorqoor ugu yeereen Muqdisho, taasoo uu isna ka ajiibay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc