Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay xalay weerar ku qaadeen maleeshiyada Al Shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanka Goobo ee gobolkaasi.
Goobo oo ku taala meel istiraatiiji ah ayaa qiyaastii 15km jihada waqooyi uga beegan Degmada Maxaas, waxayna Shabaabka ay bilaa dagaal deegaankaasi ku qabsadeen 4-tii bishii August, waana toddobaad ka dib markii ay dagaalka culus kula wareegeen Degmada Maxaas.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamo u badan Macawiiseyda reer Hiiraan, oo ay kaabayaan askar ka tirsan kuwa militariga ay xalay fiidkii laba jiho ka weerareen deegaankaasi, isla-markaana ay dagaal culus kula galeen maleeshiyadii ku sugneyd.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo ka yimid dhinaca deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan ay weerarka hore ku galeen deegaankaasi, ciidamo kaloo abaabulana ay weerar kale kaga soo qaadeen waddada ka timaada Magaalada Guriceel ee soo gasha Goobo.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan kontoroolka waqooyi ee Goobo ay la kulmeen weerarka ugu xoogan, marka loo eego kuwooda kale ee saldhigga ku leh galbeedka deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ugu badan ee weerarka ku qaaday Goobo ay markii dambe uga baxeen dhinaca deegaanka Teedaan oo hoostaga Degmada Maxaas.
Shabaab gurmad ah oo la aaminsan yahay in ay yimaadeen deegaanada Ceelgorof iyo Dac ee Gobolka Galgaduud ayaa xalay caweyskii gaaray Degmada Maxaas, halkaas oo ay uga sii gudbeen dhanka Goobo.
Imaanshaha gurmadka Shabaabka ka dib ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in deegaankaasi laga maqay jug is xigxigtay, taas oo aysan jirin cid si sax ah u sheegi karta waxa ay ahayd.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaanka Macawiisleyda ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarka gaadmada ah ee ay ciidamadu ku qaadeen Shabaabka ku sugan bariga Gobolka Hiiraan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xasan Faarax Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu saacadaha soo socda faah faahin doono nooca weerar ee ay xalay ciidamadu ku ekeeyeen deegaankaasi Goobo iyo khasaaraha ay ugu gaysteen maleeshiyada Al Shabaab.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ay ciidamadu ku qaadaan Goobo, tan iyo markii maleeshiyadu ay qabsatay ku dhawaad saddex bilood ka hor.