Ciidanka Difaaca Shacabka (Macawiisley) ee Gobolka Hiiraan ayaa guul ka sheegtay weerarkii ay xalay fiidkii ku qaadeen maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Goobo ee bariga gobolkaasi.
Maxamed Cismaan Warsame (Ganey) oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Shacabka ay weerar qorsheysan ku qaadeen Shabaabka Goobo, ka dib markii ay heleen xogta meelaha ay kaga sugan yihiin deegaankaasi.
“Weerarka dagaal qorsheysan ayuu ahaa, maadaama la helay xogta cadowga iyo meelaha ay Goobo kaga sugnaayeen.” Ayuu yiri Maxamed Cismaan Warsame.
“Waa lagu guuleystay, waana la jebiyay nimankii cadowga ahaa, hub fara-badana waa laga qaatay.” Ayuu yiri Maxamed Cismaan Warsame oo BBC la hadlay.
Waxa uu sheegay in weerarkooda uu isugu jiray mid jidgal ah oo ay ku sameeyeen gaadiid ay la socdeen maleeshiyada Al Shabaab iyo inay si toos ah u beegsadeen xero ay maleeshiyadaasi ku sugneyd.
“Dagaalka jidgooyana waa lahaa, xeradana waa la weeraray. Marka gurmad Maxaas uga yimidna dhexdaa lagu cunay, kuwii xerada joogayna waa la kala haatiyay.” Ayuu yiri sarkaalkan.
Su’aal ahayd yaa fuliyay weerarka oo la weydiiyay ayaa waxa uu ku jawaabay “Ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda oo wada socda.”
Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ayaa wuxuu sheegay in ay maleeshiyada Shabaabka ka dileen dhowr iyo afartan nin, sida uu yiri.
Sarkaalkan ayaa sheegay in dhinacooda ay dagaalka kaga dhaawacmeen toddobo askari, mana sheegin wax dhimasho oo dhankooda ah.
Sarkaalkan ayaa sheegaya in hadda ay ciidamadoodu ku sugan yihiin deegaanka Goobo, Shabaabkii joogayna ay aadeen dhinaca Degmada Maxaas, iyadoo Maxaas iyo Goobo ay 15km isu jiraan.
Hase yeeshee wararka laga helayo deegaanada ku dhow dhow Goobo ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabku ay iyagu weli gacanta ku hayaan deegaankaasi.
Shabaabka ayaa 4-tii bishii August bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Goobo, toddobaad ka dib markii ay dagaal culus ku qabsadeen Degmada Maxaas.
Ciidamo u badan Macawiisleyda reer Hiiraan oo ay kaabayaan askar ka tirsan Qaybta 27aad ee Militariga Somaliya ayaa Axaddii weerar aan horey noociisa loo arag ugu qaaday Goobo, ku dhawaad saddexda bilood ka dib markii ay Shabaabku qabsadeen deegaankaasi.