Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Cabdirashiid Janan

Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Cabdirashiid Janan

by Laacib

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa maanta la kulmay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre.

Raysal Wasaaraha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, kaas oo dowladdu ay bartamihii bishii July u magacawday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo.

Cabdirashiid Janan ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kulan muhiim ah uu la qaatay Raysal Wasaaraha, isla-markaana ay ka wada hadleen arrimaha amniga dalka iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha ammaanka.

“Waxaan maanta kulan muhiim ah la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, kaas oo aan kaga wada hadalnay arrimo la xiriira amniga qaranka, xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo dardargelinta qorsheyaasha lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.” Ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Janan ayaa Raysal Wasaare Barre uga mahadceliyay talooyin iyo taageero joogta ah, oo sida uu sheegay uu siiyo laamaha amniga, waxaana ka go’an buu yiri in aan sii xoojiyo hawlgalka iyo adeegga aan u hayno shacabka Soomaaliyeed iyo qarankeenna.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Raysal Wasaaraha talooyinka iyo taageerada joogtada ah ee uu siiyo hay’adaha amniga, waxaana ka go’an in aan sii xoojiyo hawlgalka iyo adeegga aan u hayno shacabka Soomaaliyeed iyo qarankeenna.” Ayuu yiri Janan.

Janan oo horey u soo noqday Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxay magacaabiddiisu ka dambeysay, xilli uu meeshii ugu sarreysay gaaray khilaafka Villa Somalia kala dhaxeeya Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc