Home Wararka Maanta Shabaabka Ceelbaraf oo xagga cirka laga duqeeyay

Shabaabka Ceelbaraf oo xagga cirka laga duqeeyay

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in caawa ay duqayn xoogan ka dhacday degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay garaaceen bartilmaameedyada ay maleeshiyada Al Shabaab ku leeyihiin degmada.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay maqleen jug waaweyn oo kala dambeysay, hadafkuna uu ahaa goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin magaalada.

Diyaaradahan oo aan la aqoon dalka laga leeyahay, balse loo maleynayo in ay yihiin kuwa saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka ama Turkiga midkood ayaa dhowr gantaal ku weeraray xarumaha Al Shabaab.

Duqayntan ayaa dadka deegaanka ku riixday in ay guryahooda ku xaroodaan, si aanay Shabaabku ugu malayn in ay iyagu soo sahmiyeen. Marka sidaan oo kale loo beegsado goobaha Shabaabka, dadka ayaa aad uga fogaada meelaha lagu duqeeyo, mana jirto cid ku dhiiran karta in ay sawirran ama muuqaalo ka soo qaaddo.

Duqaynta oo lagu sheegay mid ka mid ah duqaymihii ugu cuslaa ee ka dhaca degmadaasi, tan iyo intii ay Al Shabaab qabsatay ayaa laga maqlay deegaanada hoostaga Ceelbaraf.

Shabaabka ayaa Ceelbaraf ku qabsaday duulaankii ballaarnaa ee ay 20-kii bishii February ku soo qaadeen dhulkii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Weeraradan oo lagu sheegay kuwo aan horey loo arag, isla-markaana socday illaa bishii April ayay Shabaabku ku qabsadeen Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowsar, Aadan Yabaal iyo deegaan kaloo badan oo dhaca bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc