Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka socdo Gobolka Jubbada Hoose

Dagaal culus oo ka socdo Gobolka Jubbada Hoose

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta uu gobolkaasi dagaal culus ku dhex marayo Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland iyo maleeshiyada Al Shabaab oo dhinaca kale ah.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshyada Shabaabka ay iska caabin xoog badan kala hortaggayaan ciidamo la sheegay inay ku soo socdaan deegaanka Kabsuuma (Kamsuuma), oo 90km dhinaca Jilib uga beegan Magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo bishii hore ka ruqaansaday deegaanka Baar Sanguuni ayaa isku dayaya in iyagoo adeegsanaya waddooyin qarda-jeex ah ay halkaasi uga soo dusaan Kabsuuma oo hoostagta Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, qayb ahaana wuxuu deegaanka xigaa dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadan ay yihiin ciidamadii la soo bandhigay bartamihii bishii November ee la sheegay inay xorayn doonaan Degmada Jilib.

Shabaabka oo gacanta ku haya Kabsuuma ayaa waxay ka difaacaan labada magaalo ee Jamaame iyo Jilib.

Jahwareer badan ayaa ka muuqdo, marka aad eegto qaabka uu hawlgalkan u socdo, iyadoo dadku ay ku jahwareersan yihiin magaalada ay ciidamadu mudnaanta koowaad siinayaan.

Ciidamadan ayaan la sheegi karin magaalada ay sida saxda ah duulaanka ugu yihiin, sababtoo ah Kabsuuma waxay ku taallaa waddo istiraatiiji ah oo mid ka mid ah ay si toos ah u tagto Degmada Jilib, halka mid kale oo ka baxdana ay tagto Jamaame, waana deegaan muhiim ah oo qayb ahaan isku xira Jilib, Jamaame iyo Kismaayo.

Dadka ku dhaqan Jamaame ee doonaya in ay taggaan Magaalada Kismaayo ayaan adeegsan karin waddada laamiga ee isku xirto magaalooyinkaasi, maadaama ay waddadu go’an tahay. Dadka ayaa adeegsada waddada wareegga ee Kabsuuma ee tagta Kismaayo.

Saraakiisha Militariga ayaa kuu sheegaya in qabsashada Jamaame ay dabcan ka khasaare yar tahay in hadda lagu duulo Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee ay Shabaabku dalka ku leeyihiin.

Ma cadda sababta hawlgalka loogu muujinayo in hadafkiisu uu hiigsanayo Jilib, taas oo haddana aad u fasiran karto in culeyska looga yareynayo ciidamada duulaanka ku ah Jamaame.

Taliska Qaybta 43aad ee Militariga Somaliya ayaa 12-kii bishii November ku dhawaaqay in uu bilowday guluf ballaaran, kaas oo xilligaasi ay sheegeen in lagu xoreynayo Degmada Jamaame. Saraakiisha ayaa maalmo ka dib shaaciyay in ciidamo loo dhaqaajiyay dhinaca Kabsuuma ay iyaguna qaban doonaan Degmada Jilib.

Ciidamada oo muddooyinkan hawlgal sifayn ah ka waday jiinka bari ee Webiga Jubba ayaan ku guuleysan in ay horumar ka sameeyaan hawlgalka lagu xoraynayo Jamaame.

Ciidamada ayaa halgan ugu jira, sidii ay kooxaha argagixisada uga sifayn lahaayeen dhulka hawdka ee ku yaala bariga webiga, isla-markaana difaaca u ah kooxahaasi.

Shabaabka ayaa deegaanada bariga ee webiga ka difaacaya Jamaame, maxaa yeelay waxay ogyihiin in haddii ay lumiyaan ay markaasi sahlanaan doonto in cadaadis badan la soo saari karo Jilib.

Ciidamada ayaa marka hore u baahan in ay xaqiijiyaan amniga deegaanada dhaca webiga jiinkiisa bari, markaas oo ay u tallaabi karaan daanta galbeed ee webiga, si ay uga badbaadaan in dhabar jebin lagu soo sameeyo.

Ciidamada ayaan u gudbi karin daanta galbeed ee webiga, illaa iyo inta ay Shabaabku joogaan deegaanada bariga ee webiga, haddii kalena ay keeneyso in la dhabar jebiyo.

Shabaabka oo maleeshiyadooda si koox koox ah ah uga hawlgeliyay dhulka webiga ku teedsan, isla-markaana ku dhirirsan deeagaanada Baar Sanguuni iyo Yoontooy ayaa maalmahaanba dagaalo adag kula jiray ciidamada halkaasi ka wada hawlgalka sifaynta ah.

Iska caabintan ay Shabaabku wadaan ayaa hawlgalka ka dhigeysa mid sii daba dheeraada, haddii aynaan ciidamadu yeelan gacanta sare ee dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc