Home Wararka Maanta Diyaarado dagaal oo duqaymo ka gaystay Gobolka Jubbada Hoose

Diyaarado dagaal oo duqaymo ka gaystay Gobolka Jubbada Hoose

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa weeraro xagga cirka ah ka fuliyay deegaano hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo duqaymahan lagu taageerayo ciidamada la doonayo in ay maleeshiyada Al Shabaab ka saaraan degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqaymahan ay ka dhaceen deegaanada Baladu Raxma, Maana Moofo, Mugaanbow, Fagaan iyo Kabsuuma (Kamsuuma) oo hoostaga Degmada Jamaame.

Taliska Kumaandooska Danab ayaa war uu soo saaray ku sheegay in illaa sideed jeer la bartilmaameedsaday goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin deegaanadaasi.

Taliska ayaa sheegay in hawlgalka hawada lagu burburiyay saddex mooto iyo shan doomood, kuwaas oo talisku uu sheegay in Shabaabku u adeegsanayeen dagaalka iyo weeraradooda ka dhanka ah shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay doomaha kaga soo gudbaan Webiga Jubba, si ay ugu soo tallaabaan dhulka dhaca jiinka bari ee webiga oo dagaalku uu ka socdo.

Shabaabka ayaa sidoo kale mootooyinka u adeegsada gaadiid ay hubkooda isugu kala gudbiyaan, maadaama aysan suurtagal ahayn in baabuur ay ku dhex maraan dhulka hawdka, oo ah dhul ciriiri ah.

Shabaabka ayaan xitaa si joogta ah gawaarida ugu dhex socon dhulka sidaan oo kale ay hawlgaladu uga socdaan, iyagoo ka fogaanaya in diyaaradaha dagaalka ay beegsadaan, taas oo khasaarahooda ay ku yareynayaan.

“Inta lagu jiro hawlgalka, ciidamadu waxa ay dileen 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, isla-markaana burburiyeen hub iyo qalab militari oo argagixisadu lahayd, taasoo si weyn u daciifisay awooddii maleeshiyaadka ee deegaanka.” Ayaa lagu yiri warka galabta ka soo baxay Taliska Danab.

Warka ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada, loogana hortaggayo dhibaatooyinka ay u gaysan karaan dadka rayidka ah iyo amniga dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqaymahan oo Axaddii bilowday ay socdeen illaa maanta.

Duqaymahan ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose ayaa la aaminsan yahay in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc