Home Wararka Caalamka Boqorka Jordan oo diiday in hawadooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran

Boqorka Jordan oo diiday in hawadooda loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran

by Laacib

Boqorka Jordan, Abdullah II ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin in hawadooda lagaga duulo dalkaasi Iran, iyadoo ay meel adag mareyso xiisadda dagaal ee u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran.

Mareykanka ayaa si weyn ugu diyaargaroobay fara-gelin militari, oo ay suurtagal tahay in ciidamadiisu ay ku sameeyaan Iran, iyadoona uu Gobolka Bariga Dhexe ku soo daabulay ciidamadii iyo hubkii ugu badnaa, ka dib duulaankii Ciraaq.

Boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan ayaa sheegay in dhulka iyo hawada dalkiisa aan loo isticmaali karin in laga furo fal kasta oo militari oo ka dhan ah Iran, isla-markaana ay qaadaan Mareykanka iyo Israel.

Wakaaladda Wararka Jordan ee Petra ayaa Arbacadii ku warantay in kulan uu Boqorku uu Ururka Saxafiyiinta Jordan kula yeeshay Magaalada Amman uu ka sheegay in Urdun aysan ogolaan doonin in lagu xadgudbo hawadeeda, isla-markaana aanay noqon doonin goob loo isticmaalo dagaal goboleed.

Hadalka Boqorka ayaa imanaya, ka dib markii Wargeyska The New York Times uu daabacay in ugu yaraan 60 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah uu Mareykanku geeyay saldhig ku yaala Bartamaha Jordan.

Wargeyska ayaa Jimcihii sheegay in in ka badan 60 diyaaradaha dagaalka oo Mareykanka leeyahay la geeyay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Muwaffaq Salti ee Gobolka Zarqa, isla-markaana ay Jordan xudun u noqon karto qorshaha Mareykanka ee duulaanka Iran.

Jordan iyo Mareykanka ayaa leh iskaashi difaac oo Ciidamada Mareykanka u ogolanaya in ay joogi karaan dalkaasi, inkastoo tani macnaheedu uusan ahayn in laga weerari karo Iran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc