Home Dhacdooyin Turkiga oo Shabaab ka fiijiyay meelo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe

Turkiga oo Shabaab ka fiijiyay meelo ka mid ah Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay maalmihii u dambeeyay isaga fogaanayeen fariisimaha cusub ee ay Ciidamada Turkiga ka sameysteen gobolkaasi.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Turkiga ayaa dhawaan loo daabulay deegaanada Ceel-Bashaqle (Bashaqle) iyo Qorilow oo dhaca duleedka Degmada Warsheekh.

Ciidamada Turkiga ayaa saldhigyo ka sameystay dhulka bannaan ee u dhaxeeya deegaanadan, si ay Ciidanka Xoogga Dalka uga gacan siiyaan la dagaalanka Al Shabaab.

Ciidamadan ayaa waxaa xagga cirka si joogta ah uga ilaaliya diyaaradaha dagaalka Turkiga ee aan duuliyaha lahayn.

Shabaabka ayaa dareemaya in joogitaanka Militariga Turkiga ee bariga gobolkan ay khatar dhab ah ku tahay amnigooda, waana taas midda ku riixeysa in ay isaga fogaadaan goobaha ay ka ag-dhow yihiin ciidamadaasi.

Ciidamada Turkiga ayaa 26-kii bishii January ka qayb qaatay weerar ballaaran oo Al Shabaab looga saaray deegaanka Jabad Godane oo aan sidaasi uga fogayn Qorilow. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 50 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Turkiga ay Qorilow iyo Ceel-Bashaqle ay geeyeen gaadiid badan oo kuwo dagaalka ah, oo ay ku jiraan taangiyo ay bishan ka soo dejiyeen Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliyeed ay Ciidamada Turkiga u xirtay dhulka ku dhow dhow aagagga ay soo deggeen ciidamadaasi.

Turkiga ayaad arki kartaa in uu xoojinayo joogitaankiisa Somaliya. Wixii ka horreyay sanadkan, Saraakiisha Turkiga ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ka taageerayay hawlgalka hawada ee ka dhanka Shabaabka hubeysan, haddase waxaa muuqato in ay si toos ah ugu lug leeyihiin dagaalka dhulka.

Turkiga ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ka qayb qaadanayay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya iyo tayayntooda, wuxuuna sanadkan uu si weyn u xoojiyay doorkiisa amniga Somaliya, isagoo ka gudbay tababarka ciidamada, si uu si firfircoon uu Somaliya uga caawiyo amniga hawada iyo badda dalka. Diyaarad militari oo Turkigu uu leeyahay ayaa toddobaadkii hore Garoonka Aadan Cadde ka soo dejisay nidaamka difaaca hawada.

Bishii January, saddex ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Cirka Turkiga ee F-16 ayay Ankara keentay dalka, si ay ugu biiraan hawlgalka lagu la dagaalamayo Al Shabaab iyo inay qayb ka noqdaan dadaalada lagu sugayo, laguna ilaalinayo amniga hawada.

Diyaaradahan ayay tahay in loo adeegsado qorsheyaasha ay labada dowladood isaga kaashanayaan in la xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka.

Xiriirka iskaashiga difaaca ee labada dal ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay, iyadoo tanina ay ku timid heshiisyo ballaaran oo Muqdisho iyo Ankara ay kala saxiixdeen saddexii sano ee u dambeeyay.

Turkiga waa dalka ugu weyn ee maalgashiga ku sameysta Somaliya, waxaana billaha soo socda la filayaa in shidaal qodis uu dalka ka bilaabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc