Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada ay Mareykanka iyo Iran ku yeesheen Geneva

Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada ay Mareykanka iyo Iran ku yeesheen Geneva

by Laacib

Ergada Mareykanka iyo Iran ayaa Khamiistii wareeggii sadeexaad oo wada hadalo ah ku yeeshay Magaalada Geneve, iyadoo ay Dowladda Cumaan dhexdhexaadineysay.

Wada hadalkan oo ahaa mid dadban oo labada dhinac aysan si toos ah isku horfariisaneynin ayaa waxaa waxyaabaha laga wada hadlayo u kala gudbinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Albusaidi, iyadoo Ergada Mareykanka uu horkacayay Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, halka dhinaca kalena uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Dowladda Iran ku cadaadinaya in ay aqbasho inay heshiis ka gasho qorshaheeda sameysashada ee nuclear-ka, haddii kalena uu garaaci doono dalkaasi. Trump ayaa 19-kii bishan Iran u qabtay 10 illaa 15 maalmood, oo ay ku gaarto heshiis nuclear ah ama ay wajahdo, waxa uu ku sheegay waxyaabo xun xun. Saraakiisha Iran ayaa Trump uga digay in uu sameeyo hal khalad oo keeni kara isku dhac ballaaran.

Iran iyo Mareykanka ayaa Khamiistii yeeshay saacado wada hadalo ah oo aan toos ahayn, kaasoo ku saabsanaa barnaamijka nuclear-ka ee Tehran.

Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warantay in kulanka aan lagu gaarin wax heshiis ah, taasoo sii hurin karta khatarta dagaal kale oo Bariga Dhexe ah oo miiska saaran, inkastoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran uu sheegay in labada dal ay horumar ka sameeyeen wada hadalada.

Badr Albusaidi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan oo dhexdhexaadin ka ahaa wada hadaladan ugu dambeeyay ee ka dhacay Geneva ayaa sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray wada-xaajoodka Mareykanka iyo Iran, isagoon wax tafaasiil ah ka bixin.

Wax yar uun ka hor, inta aan wada hadalada la soo geba-gabeen, Telefishinka Qaranka Iran ayaa sheegay in Tehran ay go’aansatay in ay sii waddo tayaynta uranium-ka, isla-markaana ay diiday in dal saddexaad ay si ku-meel-gaar ah ugu wareejiso uranium-keeda, isla-markaana ay taasi ku xirtay in laga qaado cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran, tani oo muujineysa inaysan weli diyaar u ahayn in ay ogolaato shuruudaha Trump.

Trump ayaa doonaya in la gaaro heshiis lagu xakameynayo nuclear-ka Iran, si looga baaqsado dagaal ay suurtagal tahay in gobolka uu ka dhaco.

Hase yeeshee Wasiir Araghchi ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku celcelinayay in Iran ay tahay inay wax ku bedelato, si ay dib ugu dhigto in qaranku uu yeesho nuclear nabadgelyo ah.

Labada dowladoodba waxay daneynayaan in laga hortago dagaal uga sii dari kara colaadda muddada dheer ka taagan Gobolka Bariga Dhexe, haddii la helo is aaminaad lagu xaqiijin karo in ay wada hadaladu miro dhalaan.

Mr. Albusaidi ayaa sheegay in wada hadalo farsamo oo ay ku lug leeyihiin wakiilo heer hoose ah ay toddobaadyada soo socdo ka sii socon doonaan Magaalada Vienna, oo ah Xarunta Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.

Maamulka Trump ayaa waxaa ka go’an dib u dhigista nuclear-ka Iran, haddii ay awood militari uga joojin lahaayeen iyo haddii ay diblomaasiyaddu shaqayn lahaydba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc