Wasiirka Arrimaha Dibadda Ghana, Samuel Okudzeto Ablakwa ayaa sheegay in 55 Ghanaians ah lagu dagaalka dhowrka sano ka socdo dalkaasi Ukraine.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ghana oo maalin ka hor booqasho ku tegay Caasimadda Kyiv ayaa sheegay in laba kale oo muwaadiniintooda ah maxaabiis ahaan loogu qabsaday dagaalka.
“Waxaa naloo sheegay in 272 qof oo Ghana u dhashay la rumeysan yahay in lagu soo jiiday dagaalka, tan iyo 2022, kuwaas oo 55 ka mid ah lagu dilay dagaalka, laba kalena loogu qabsaday maxaabiis dagaal.” Ayuu yiri Wasiirka, isaga oo aan sheegin cidda ay u dagaalameen muwaadiniintooda.
Ruushka ayaa lagu eedeeyay in dadka ka yimaada Afrika uu ku soo jiito ballanqaadyo shaqo, isla-markaana uu geeyo jiidaha hore ee Ukraine.
Ruushka ayaa si adag u beeniyay in ay si sharci darro ah u askareeyaan muwaadiniinta African-ka, si ay uga dagaalamaan gudaha Ukraine.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha ayaa Arbacadii sheegay in in ka badan 1,700 qof oo ka yimid 36 ka mid ah dalalka Afrika loo qoray inay ka barbar dagaalamaan Ciidamada Ruushka, isaga oo aan wax caddayn ah soo bandhigin.
Ghana oo xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed la leh Ruushka ayaa ku howlan inay baabi’iso qorsheyaasha shaqaaleysiinta ee shabakadaha sida sharci darrada ah uga dhex shaqeeya gudaheeda.
“Kani ma ahan dagaalkeenna, mana ogolaan karno in dhallinyaradeennu ay gaashaan u noqdaan kuwo kale.” Ayuu yiri Samuel Okudzeto Ablakwa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ghana.
Wasiir Ablakwa iyo dhiggiisa Ukraine ayaa booqday darbiga xusuusta ee Ukraine, iyagoona ubax dhigay. Gidaarka xusuusta ee Ukraine oo laga sameeyay Kyiv ayaa lagu xusuustaa dadka naftooda u huray difaaca madaxbannaanida iyo qaranimada ee Ukraine.
Ukraine iyo xulafadeeda reer galbeedka ayaa Talaadadii xusay afar sano oo ka soo wareegatay, markii uu Ruushku ku duulay dalkaasi.
Militariga Ruushka ayaa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duulay dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka gadaal markii Moscow ay dowladda dalkaasi ku eedeysay in ay xiriir adag la sameysatay reer galbeedka, isla-markaana ay NATO isku soo fidisay xuduudaha Ruushka.
