Taliska Kumaandooska Danab ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay Jimcihii hawlgal ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Taliska ayaa xalay war qoraal ah ku sheegay in Kumaandooska Danab oo kaashanaya Ciidanka Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka ay hawlgalkan ka sameeyeen deegaanada Cadiimo iyo Dhaaye-Dhebe ee duleedka Degmada Maxaas.
“Hawlgalkan oo ku saleysnaa xog sirdoon ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay miinooyin iyo walxaha qarxa oo lagu aasay waddooyinka, si loogu dhibaateeyo shacabka.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Ciidanka Danab iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xirfad leh u xaqiijiyay amniga goobahaas, iyadoo shacabka deegaanka ay si diiran u soo dhaweeyeen hawlgalka.”
Taliska Danab ayaa sheegay in hawlgalada maleeshiyada Al Shabaab looga sifeynayo deegaanada hoostaga Degmada Maxaas ay sii socon doonaan, waxaana warka lagu yiri “Hawlgalada sifaynta ah ayaa sii socon doona.”
Weeraro xagga cirka ah ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Maxaas ee bariga Gobolka Hiiraan.
Duqayntii ugu dambeysay ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ka dhacday deegaanka Waabweyn oo saaran waddada laamiga ee isku xirto Beledweyne iyo Maxaas.
Hawlgalka hawada ayaa ah mid lagu taageerayo Ciidamada Militariga iyo kuwa Macawiisleyda ee ku sii siqaya Maxaas, taas oo la doonayo in lagu soo celiyo gacanta qaranka, ka dib markii Al Shabaab ay weerar ballaaran ku qabsatay, 27-kii bishii July ee sanadkii hore.
