Home Wararka Caalamka Xiriirka Talyaaniga iyo Israel oo xumaaday, ka dib go’aan uu Talyaanigu ka qaatay

Xiriirka Talyaaniga iyo Israel oo xumaaday, ka dib go’aan uu Talyaanigu ka qaatay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa war ka soo saaray mowqifka Raysal Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni ee Rome ay ku hakisay heshiiskii iskaashiga difaaca ee labada dhinac.

Giorgia Meloni ayaa Talaadadan sheegtay in go’aanku uu ka dambeeyay colaadda ay Israel ka hurineyso Gobolka Bariga Dhexe.

“Iyadoo la tixgelinayo xaaladda hadda jirta, dowladdu waxay go’aansatay inay hakiso dib u cusbooneysiinta tooska ah ee heshiiska difaaca ee Israel.” Ayay tiri Giorgia Meloni oo Wariyeyaasha kula hadleysay Magaalada Verona.

Ku dhawaaqisteeda ayaa hoos loo dhigay gudaha Israel, ka dib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sheegtay inaanu jirin heshiis rasmi ah oo amni oo ay la lahaayeen Talyaaniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay in labada dal ay keliya lahaayeen heshiis is afgarad ah oo aan lahayn saamayn wax ku ool ah.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in mowqifka Dowladda Talyaaniga aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin amniga Israel.

Labada dal ayaa sanadkii 2003 yeeshay heshiis iskaashi dhinaca difaaca ah, kaas oo la saxiixay xilligii Raysal Wasaare Silvio Berlusconi.

Heshiiska oo ahaa mid dhowrkii sannaba mar la cusbooneysiiyo ayaa dhacay Isniintii shalay, ka dib markii Dowladda Talyaaniga ay ka hortimid inay kordhiso muddada heshiiskaasi.

Heshiiskan ayaa ahaa mid khuseeya hab-maamuus dejinaya qaab dhismeedka iskaashiga difaaca, oo ay ku jiraan isweydaarsiga qalabka militariga iyo cilmi baarista teknolojiyadda ee Ciidamada Qalabka Sida.

Diidmada Dowladda Talyaaniga ee ah inaanan heshiiska la kordhin doonin ayaa cawaaqib ku yeelanaya iskaashiga tababarka militari ee Ciidanka Difaaca Israel.

Go’aanka Talyaaniga ayaa calaamad u ah in uu xumaaday xiriirka labada dal, si ay Rome ugu mucaaraddo go’aanka Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee lagu sii wadaayo, laguna qabsanayo toban meelood meel ee dhulka Lubnaan.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Canada ayaa Netanyahu ku booriyay in uu ogolaado in xabad joojin laga sameeyo Bariga Dhexe, iyadoo la taageerayo heshiiskii xabad joojinta labada toddobaad ee Mareykanka iyo Iran ay gaareen 7-dii bishan, laakiin Netanyahu ayaa ku adkeystay go’aankiisa lagu sii wadaayo hawlgalada Lubnaan.

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa Midowga Yurub ugu baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah, oo lagu xakameynayo Israel, isla-markaana la hakiyo heshiiskii iskaashiga ee sanadkii 1995-kii lala galay maamulkaasi, si loogu ciqaabo duulaanka ay ku hayso Lubnaan, iyadoo uu jiro heshiis xabad joojin ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc