Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday deegaanka muhiimka ah ee Mubaarak (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday deegaanka muhiimka ah ee Mubaarak (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta booqasho ku tegay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa 2-dii bishii hore ee March la wareegay deegaankaasi, ka dib sanado badan oo Al Shabaab ay maamuleysay. Deegaanka Mubaarak ayaa qiyaastii 10km dhinaca galbeed uga beegan Degmada Awdheegle, iyadoo joogitaanka Al Shabaab ee deegaankaasi uu khatar ku ahaa amniga Awdheegle.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Militariga Somaliya ayaa sidoo kale sheegay inuu booqday deegaanka Sabiid, ujeedkuna uu ahaa dardargelinta hawlgalada ka socdo deegaanadaasi, sida uu ku sheegay qoraal uu caawa ku daabacay bartiisa Facebook.

“Intii aan halkaas ku sugnaa, waxaan ciidamada ku bogaadiyay, uguna hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ay ka soo hooyeen hawlgalada joogtada ah ee lagu sifaynayo kooxaha Khawaarijta ah.” Ayuu yiri Taliyuhu.

General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in ciidamada deegaanadaasi ku wada sugan uu faray in ay sii laba jibaaraan hawlgalada wadajirka ah, si loo xaqiijiyo amniga deegaanadaasi.

“Ugu dambayn, waxaan dardaaran iyo dhiirigelin siiyay dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada saaxiibada ah ee UPDF, anigoo faray in ay sii laba jibaaraan hawlgalada wadajirka ah ee ay horey u wadeen, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee deegaanadaas.” Ayuu yiri General Sahal Cabdullaahi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc