Hawlgalkan oo ay hoggaaminayaan Kumaandooka Danab, isla-markaana ay qayb ka yihiin Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa hawlgalka ka bilaabay deegaano hoostaga Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sii socdaan dhinaca Degmada Xagar ee gobolkaasi, iyadoona hawlgalka xooggiisa uu haatan ka socdo inta u dhaxeyso Afmadow iyo Xagar.
Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in hawlgalka oo isugu jira mid dhul iyo cirba leh ay ciidamadu ka sameeyeen deegaanada Qumbi, Weel-maarow, Caano-Booro iyo Farshabeel. Taliska ayaa qoraal ku sheegay in sidoo kale ay ciidamadu hawlgalku ka wadaan Guduudey, Bilisa iyo Hargeysa Yarey oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Bogga Taliska Qaybta 43aad ayaa lagu soo bandhigay sawirro muujinaya ciidamada oo maleeshiyada Al Shabaab ka saaray difaacyada qaar ay ku lahaayeen dhulka hawdka.
Deegaanka Weel-maarow oo kale oo talisku uu sheegay in hawlgalka laga sameeyay ayaa ah deegaan macno badan u leh amniga Degmada Jilib, waana mid ka mid ah goobaha ay Shabaabku ka ilaaliyaan amniga degmadaasi. Weel-maarow ayaa ku taala meel ku dhow barta kala qaybisa Afmadow iyo Jilib, waana waddada loo maro dhinaca Xagar, marka la joogo Afmadow.
Haddii ciidamadu ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay xitaa culeys ku noqon kartaa joogitaanka Al Shabaab ee Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe. Xagar waxay dhacdaa goob istiraatiiji ah oo kala qaybisa Afmadow iyo Bu’aale.
Ciidamada ayaa la xusuustaa in 9-kii bishii July ee sanadkii 2023 ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Xagar, inkastoo muddo ka dib ay soo banneeyeen degmadaasi. Xagar waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah magaalooyinka ay ku xidideysteen Shabaabku, marka aad eegto in ay gacanta ku hayeen illaa sanadkii 2007.
Saraakiisha Militariga Somaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaan si toos ah u sheegin in lagu wajahan yahay Xagar, laakiin wararka la helayo ayaa sheegaya in xudunta hawlgalka uu yahay degmadaasi, si culeys loogu saaro Shabaabka Gobolka Jubbada Dhexe. Gobolkan waa kan keliya ee dalka ay Al Shabaab gacanta ku wada hayso degmooyinkiisa.
Shabaabka ayaa waxaa iska cad in ay samayn doonaan iska caabin xoog badan, si aysan ciidamadu ugu soo dhawaan xuduudaha gobolkaasi, laakiin wax kasta waxay ku xiran yihiin adkeysiga ciidamada iyo maamulka oo aan ka caajisan in la xaqiijiyo hadafka dagaalka.
Hawlgalkan ayaa waxaa laga hoggaaminaya deegaanka Janaay Cabdalle, oo ku yaala inta u dhaxeyso Kismaayo iyo Afmadow, halkaas oo ay ku sugan yihiin Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, General Ismaaciil Saxardiid Keydsane iyo Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Nuur Mahad Xasan.
