Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay baaritaanka ninka loo soo qabtay weerarka uu Trump ka badbaaday

Wararkii ugu dambeeyay baaritaanka ninka loo soo qabtay weerarka uu Trump ka badbaaday

by Laacib

Baareyaasha Mareykanka ayaa weli su’aalo weydiinaya ninka ay ciidamada amniga u soo qabteen toogashadii xalay ka dhacday meel u dhow Aqalka Cad, oo Madaxweyne Donald Trump iyo Kuxigeenkiisa JD Vance ay kaga qaybgelayeen munaasabad casho sharaf oo ay lahaayeen Wariyeyaasha Aqalka Cad.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ninkan lagu hayo saldhig boolis oo ku yaala waqooyi galbeed Washington DC, laguna wado in Isniinta la horkeeno maxkamad federaal ah.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Cole Tomas Allen, kaasoo la sheegay inuu yahay 31 jir ka soo jeeda Magaalada Torrance ee Gobolka California.

Saraakiisha Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay in ninkaasi loo taxaabay xabsiga, ka dib markii ay sheegeen in uu orod kaga gudbay bar kontorool, isla-markaana uu rasaas ku furay Hotel Washington Hilton, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Madaxda Mareykanka iyo Marwada 1aad Melania Trump.

Baareyaasha ayaa laga soo xigtay in weerarka uu u muuqdo mid loola dan lahaa Madaxweyne Donald Trump iyo Kaaliyeyaashiisa sare. Baareyaasha ayaa waxay sheegeen inay weli eegayaan qoraalo uu ninkaasi qoray ka hor weerarka, isla-markaana uu ku dhalleeceynayo Maamulka Madaxweyne Trump.

Wararka ayaa sheegaya in weerarku uu carqaladeeyay xafladdii ka socotay hotelka, qof walbana uu ku argagaxay rasaastii ay is dhaafsadeen ninkaasi iyo ciidamadii ku sugnaa xeendaabka amniga ee hotelka.

Ka dib dhacdadaasi, Madaxweyne Trump oo Axaddan wareysi siiyay Fox News ayaa sheegay in xalay uu ahaa habeen murugo leh, wuxuuna sheegay in isaga iyo Marwada Koowaadba ay badqabaan.

Trump ayaa eedeysanaha ku eedeeyay in uu yahay mid uu qalbigiisu naceyb ka buuxo, isla-markaana ka been sheegay Diinta Kirishtaanka.

Weerarkan ayaa soo jiitay indhaha caalamka, waxaana uu imanaya, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda Mareykanka iyo Iran.

Warbaahinta ayaa si dhow ula socon doonto maxkamadaynta ninkaasi, isagoona Isniinta ka soo muuqan doona maxkamaddii ugu horreysay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc