Home Wararka Maanta Tababare Kubadda Cagta oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

Tababare Kubadda Cagta oo lagu dilay Magaalada Baydhabo

by Laacib

Tababarihii Kooxda Kubadda Cagta FC Daarusalaam, Cabdi Cabdiraxmaan Maxamed (Cabdi Soomaali) ayaa maanta lagu dilay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in isagoo ku sugan Isgoyska Guulatoodey oo u dhow Isgoyska Afar Irdoodka Baydhabo ay haleeshay xabad ka dhacday qori uu watay askari ka tiran Ciidamada Dowladda Federaalka.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in si kedis ah ay u maqleen hal xabad, taasna ay haleeshay Cabdi Soomaali oo laamiga dhinaciis kale taagnaa.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee Baydhabo ayaa inoo sheegay in aanu jirin wax muran iyo dood ah oo dhex maray labada dhinac, askarigana uu ku kadsoomay xabad ka dhacday qorigiisa.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in marxuumka ay xabadda uga dhacday madaxa.

“Askariga dilka gaystay waa askari ka tirsan Ciidanka Polizia Militare. Xabadda si kama ayay ugu dhacday marxuumka, askariga dilka gaystayna ma baxsan oo saldhigga ugu dhow ayuu lugihiisa ku tegay.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo intaasi ku daray in askariga uu wajihi doono sharciga.

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay 30-kii bishii March la wareegeen gacan ku haynta Baydhabo ayaa waxaa magaalada lagu dilay tiro dad ah.

Dilkan ugu dambeeyay ayaa imanaya, iyadoo dadka reer Baydhabo ay walaac xoog leh ka muujinayaan falalka amni darrada ee ku soo badanaya magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc