Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay mowqifka ay dowladdiisu dalka ku gaarsiineyso doorashada qof iyo cod, isagoona adkeeyay inaanan lagu laaban doonin doorasho dadban.
Madaxweynaha oo xalay casho sharaf ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay doonayaan in dalku uu horu-socod sameeyo, oo aan meeshiisa lagu sii hayn.
“Sida Raysal Wasaaruhu uu warbixinta ku bixiyay haddana aan idiin sheegayay, dalkan meeshiisa in lagu hayo ma rabno inuu hore u socdo ayaan rabnaa in yar xitaa. War ma tabaraa guurnaa mise taakaa guurnaa, taako inaan guuri karno iskuma hubnee, tabar aan guurno. Maanta Somaliya wxii tabarteeda ah inaan guurnaa rabnaa ee hore u socoto, meesha aanan joogin. Adduunyadii waan ka harnay, sida aan u noolnahay iyo sida aan dowlad u nahay, si ay adduunyada fahmi karto ma aha.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa tibaaxay in hadafkoodu uu yahay in dalka laga hirgeliyo nidaamka axsaabta badan, si ay dadku u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.
“Hadafka marka annaga aan leenahay, dowladda maanta dalka ka jirta waxay tahay nidaamka siyaasiga ah ayaa u baahan dalkan in shaqo laga qabto. Nidaamka siyaasiga ah shaqo lagama qaban karo, haddaanu qawaacid lahayn. Siyaasaddu waa inay leedahay xeerar ilaaliya, nidaam xisbiyo siyaasadeed inay jiraan, sharci ilaaliyana inuu dalku leeyahay. Waxa naga dhiman oo aan rabno inaan yeelano oo u socono, intaas waaye.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuux-nuuxsaday inaanay ka laaban doonin inuu dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed, dadka Soomaaliyeed-na ay helaan fursad ay wax ku soo dooran karaan, 57 sano ka dib.
“Annaga waxaan ku ad adagnahaa rabaa inaan idiin sheego, dalku inuu xisbiyo siyaasadeed yeesho, dadka Soomaaliyeed-na fursad la siiyo oo doorasho qof iyo cod ah ay galaan, waan ku ad adagnahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in ay diyaar u yihiin inay dood ka galaan hirgelinta xisbiyada siyaasadeed.
“Xisbiyada, nooca doorasho, qaabka dhismaha, hay’adaha qabanayo howsha, qawaacidda iyo waqtiga, waxaas oo dhan wax miiskaas saaranoo dood aan ka ogolnahay waaye, laakiin doorasho dadbanaa la joogaa, Dowlad Goboleedyadii iyo dadkiiyaa loo celinaa, wixii ka dhacay waad ogtihiin. Amni darro hadday jirto doorasho dadbanee ka jirtay, markii dadka Soomaaliyeed fursad ha la siiyo la yirina, waa la arkay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sanadkiisii koowaad ee xafiiska uu wadatashi isugu yeeray siyaasiyiinta, isla-markaana ay u caddeeyeen jihada uu dalku aadayo.
“Maalintaas ayaan u sheegnay dalka qof iyo cod inaan gaarsiino inaan rabno, xisbiyada inaan dhisno iyo Shabaab inaan la dirirno inaan rabno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Dalku Ilaahay idiinkiis doorashuu aadayaa, doorasho qof iyo cod ah ayuu aadayaa.”
