Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u jooga dalka, Mohamed Salah Hassan Keshtah.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in kulanka lagu eegay wadiiqooyin lagu ballaarinayo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga gobolka, waxbarashada iyo isku xirka istiraatiijiyadeed.
“Kulanka ayaa dib u eegis lagu sameeyay waddooyinkii lagu ballaarin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Somaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga gobolka, waxbarashada iyo isku xirka istiraatiijiyadeed, taasoo ka tarjumeysa iskaashiga xoogan ee labada dal.” Ayaa lagu yiri warka.
Kulanka ayaa imanaya, iyadoo la hadal hayo in illaa hal guuto oo ciidan ah ay dhawaan Dowladda Masar u soo diri dooto Somaliya.
Militariga Masar ayaa lagu wadaa inay ku biiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo Somaliya lagaga taageero arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
AUSSOM oo u taagan Hawlgalka Taageerada & Xasillinta Midowga Afrika ee Somaliya ayaa la aasaasay bishii December ee sanadkii 2024, waana hawlgalkii 3aad oo ay yeeshaan Ciidanka Midowga Afrika ee ka hawlgala Somaliya.
Muqdisho ayaa waxaa haatan ku sugan ciidamo kooban oo Masaari ah, kuwaas oo wararku ay sheegayaan in ay horudhac u yihiin ciidamada ka imanaya dalkaasi.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa lagu wadaa in markii ugu horreysay ay ka qayb qaataan ciidamo ka socda dalkaasi Masar.
