Home Wararka Maanta Dagaal laga cabsi qabo inuu ka qarxo Degmada Dayniile

Dagaal laga cabsi qabo inuu ka qarxo Degmada Dayniile

by Laacib

Saan-saan colaadeed ayaa saaka laga soo sheegaya xaafadda Warlaliska ee Magaalada Muqdisho, iyadoona laga cabsi qabo in mar kale ay halkaasi ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyada dadka deegaanka ee ka horyimid hawlgal burburin ah oo Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayo in laga sameeyo xaafaddaasi oo ka tirsan Degmada Dayniile.

Wariyeyaasha oo ku sugan agagaarka goobta la isku horfadhiyo ayaa soo sheegaya in laamaha amniga ay xalay ciidamo xoojin ah geeyeen xaafaddaasi, maleeshiyaadka deegaankana ay gurmad ka heleen qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Dayniile.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee metela dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu ciidamada ka dul qaado dadka deegaanka iyo in laga laabto Hawlgalka Cagafta ee ujeedkiisu yahay in lagu burburiyo guryaha ay shacabku degan yihiin.

“Anigoo ku hadlaya Xildhibaanada deegaankan metelo afkooda, Madaxweyne Xasan Sheekhow waxaan kuu sheegaynaa dadkan iyo deegaankan annaga kama gorgortamayno, raali kama nihin in guryahooda la dumiyo. Dhibaato inta haysato ama baagamuundada ama baahiyihii adeegyada dowladda ay u qabeen oo loo buuxin la’yahay taasaa ugu filan, in haddana ciidan, handadaad iyo caga-juglayn aad u maleyso in dadkan si gooni ah loo beegsanayo ama fuquuq gooni ah lagu sameynayo, annaga uma dulqaadan karno. Madaxweynow waan kaa xishoonay, innaga xishoo, dadka deegaankan nabadgelyo hakaa helaan, ciidankana ka dul qaad. Dadkan taariikhda Somaliya waa la yaqaanaa, weligood lama soo gumeysan, gumeysi ma yeelaan, dowlad-diid ma ahan, dad daalimiin ah ma ahan. Dadka Soomaaliyeed way yaqaanaan, waa dad nabadda jecel, waa dad dhowrsan oo wax islaameed aanan raadin, xoolo la dhaco aanan ka shaqeyn.” Ayay tiri Xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo xalay Wariyeyaasha kula hadashay degmadaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Dowladda Federaalka oo looga baaqsanayo hawlgalkaasi, si looga hortago iska horimaad uu dhiig ku daato, iyadoo aamusnaanta hoggaanka dalka ay sare u qaadeyso cabsida laga qabo in dagaal uu dhici karo.

Boqolaal qof oo dad shacab ah ayaa xalay isaga cararay guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba in mar kale lagu dul dagaalamo.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa xalay fiidkii weeraray maleeshiyaad deegaanka ah, oo ka horyimid ololaha ballaarinta Maamulka Gobolka Banaadir ee barakicinta shacabka.

Lama oga, waxa ay xaaladdu ku dambayn doonto, laakiin ifafaalaha illaa iyo hadda muuqda ayaa muujinaya in dhinacyadu ay qarka u saaran yihiin halista dagaal ku dhex mara degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc