Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Saraakiisha Booliska Galmudug, marka laga soo tago Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin oo mugdi uu ku jiro xilka uu ku magacaaban yahay, oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug.
Wafdiga General Kaniif ayaa waxaa ka mid ah Korneyl Maxamed Daahir Cabdulle, kaas oo dhawaan uu Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Galmudug, inkastoo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu Khamiistii ka horyimid magacaabiddaasi, isagoona dib u soo magacaabay Korneyl Khaliif Cabdulle Maalin, oo sanadihii u dambeeyay ahaa Taliyaha Booliska Galmudug.
General Kaniif oo ka hadlayay kulan uu gelinkii dambe ee Sabtidan uu Dhuusamareeb kula yeeshay Saraakiisha Booliska Galmudug ayaa sheegay in socdaalkooda uu la xiriiro xaaladda Ciidanka Booliska Galmudug, sidii uu xilka ula wareegi lahaa G/sare Maxamed Daahir Cabdulle iyo sidii Ciidanka Booliska ay ugu diyaargaroobi lahaayeen sugidda amniga ee doorashada lagu wado inay ka qabsoomto deegaanada Galmudug.
Masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo dhex galay Saraakiisha Booliska Galmudug ayaa ku guuleystay in intooda badan ay ka baxaan xeendaabkii Madaxweyne Qoorqoor.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad uu xitaa meesha ka saaray wada-shaqayntii Madaxtooyada Galmudug iyo Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug, taas oo macnaheedu yahay in Nabad Sugidda Galmudug aysan si toos ah uga amar qaadaneyn Madaxtooyada Galmudug.
Madaxweyne Qoroqoor ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed iyo mid amni oo uga imanaya Villa Somalia.
