Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ciidamo xoojin ah geeyay kontoroolka galbeed ee Magaalada Baydhabo, ka dib iska horimaadkii xalay ka dhacay afaafka hore ee magaaladaasi.
Ciidamo taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa weerar ku ekeeyay mid ka mid ah kontoroolada laga soo galo magaalada, iyagoo welibana soo riixay Ciidamadii Dowladda Federaalka ee ku sugnaa.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu soo jiitay indhaha Madaxda Dowladda Federaalka, taasina ay ka dambeysay in Wasaaradda Gaashaandhiga ay amar ku bixiso in Taliska Militariga uu kordhiyo ciidamadii ka hawlgelayay kontoroolada magaalada, gaar ahaan kan dhinaca galbeed, halkaas oo meel aan sidaasi uga fogayn lagu arkay ciidamo u badan Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo taageersan Laftagareen.
Wariyeyaasha Baydhabo ayaa soo sheegaya in weerarkii xalay uu noqonayo midkiisii labaad ee lagu soo qaado magaalada, muddo dhowr cisho ah gudahood.
Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka digay in ay sii socon doonaan weerarada ay kaga soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Dowladda Federaalka ee Baydhabo, isagoona sheegay in ciidan soo duulay aanay haysan karin magaalada.
Ugaas Xasan Cabdi ayaa Warbaahinta u sheegay in ay gebi ahaanba diidan yihiin doorashadii Axaddii ka dhacday deegaanada Koonfur Galbeed ee lagu soo dooranayay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xubnaha Golaha Deegaanka.
Dadka reer Baydhabo ayaa walaac ka muujinaya in ay kordhaan weerarada jabhadaynta ee sida gaarka ahi loogu bartilmaameedsanayo magaaladooda, iyadoo Baydhabo ay tahay xarunta uu Maamulkii Laftagareen ku shaqeynayay, kan cusub ee la soo dhisaayana uu ku shaqayn doono.