Dhinacyada siyaasadda ee dalka ayaa lagu wadaa in uu maanta shir uga furmo Xerada Xalane oo ku taala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay Wakiilada Beesha Caalamka dhexdhexaadinayaan.
Wararka ayaa sheegaya in shirka ay ka qaybgeli doonaan xubno kooban oo kala metelaya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, isla-markaana diiradda lagu saari doono xal u helidda arrimaha doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka 1aad ee Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ayaa iyagu dhinaca Dowladda Federaalka ku meteli doona shirkaasi, halka Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ay iyaguna tagi doonaan miiska wada hadalka, iyaga oo ka socda garabka mucaaradka.
Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Yurub oo Ingiriiska uu wehliyo ayaa hoggaaminaya dadaalada Beesha Caalamka ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee Somaliya ee ka dhalatay khilaafka hareeyay nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
Ma jirto wax doorasho ah oo saamileyda siyaasadda ay illaa iyo hadda heshiis ku yihiin, iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu geba-gabo ku dhow yahay.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa danleyda siyaasadda ku cadaadinaya in iyagoo ka faa’iideysanaya fursaddan ay heshiis gaaraan.
Heshiiska ayaa muhiim u ah in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ay ka gudbaan khilaafka muddooyinkii u dambeeyay soo jiitamayay, si loo dhameeyo hubinti la’aanta wiiqi karta geeddi-socodka dimoqraadiyadda, horumarinta dowladnimada iyo hay’adaha ammaanka.
Ma cadda muddada uu shirku socon doono, waxaase suurtagal ah in uu dhowr cisho qaato.