Xaalad hubinti la’aan ah ayaa ka jirta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, taas oo daba socota khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ee toddobaadkii hore cirka isku shareeray.
Magaalada ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo qulqulayay ciidamo kala taabacsan labada dhinac, iyadoo danaha iska soo horjeeda ay dadka reer Dhuusamareeb ka dhigeen kuwo cabsi la nool. Dowladda Federaalka ayaa waxay dadaal ugu jirtaa, sidii ay ciidamadeedu ula wareegi lahaayeen amniga magaalada, halka Madaxtooyada Galmudug ay diiradda saareyso inaanay lumin gacan ku haynta magaaladaasi.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si qoto dheer u kala qaybineysa Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa magaalada ka wadda kulamo looga hadlo amnigeeda, laguna taageerayo doorashada qofka iyo codka ay Madaxtooyada Somaliya ku howlan tahay inay dalka gaarsiiso.
Wararka ayaa sheegaya in xalay magaalada lagu qabtay munaasabad lagu daahfurayay ololaha doorashada tooska ah ee billaha soo socda laga qaban doono deegaanada Galmudug, iyadoo munaasabadda ay bilow u tahay in la bixiyo kaarka codbixinta oo la siinayo dadkii isku diiwaangeliyay inay codeeyaan doorashadan.
Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Degmada Dhuusamareeb, Cabdisamad Salaad Aadan (Sanweyne) ayaa si lama filaan ah uga baxay garabka Madaxweynaha Galmudug, ka dib markii uu xalay ku dhawaaqay in uu ku biiray garabka kale. Sanweyne ayaa muujiyay in uu Dowladda Federaalka kala shaqayn doono dadaalada ay doorashada dadweynaha uga qabaneyso 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Gaashaanle Nuur Cilmi Maxamed, Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb oo ka mid ah saraakiishii dhowr cisho ka hor taageeray is bedelka amni ee Dowladda Federaalka ka sameynayso magaalada ayaa xalay ku hanjabay in ay ka hortagi doonaan cid kasta oo hadda ka dib isku daydo in ay hub soo geliso magaaladaasi. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in aysan ogolaan doonin dad uu sheegay inay qori wax ku boobayaan.
Hadalka Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb ayaad mooddaa in uu ku socdo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug iyo Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) oo magaalada ka wada abaabul ciidan oo hor leh, si looga hortago in Dowlad Goboleedka Galmudug laga fara maroojiyo gacan ku haynta magaalada oo idil.
Dowladda Federaalka ayaa waxaa cad inaysan ka tanaasuli karin Dhuusamareeb, bacdamaa ay tahay goobta ay ku shaqayn doonaan Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee maamulaya doorashada billaha June iyo July ee laga qabanayo Galmudug.
Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku mashquulsan, sidii uu xafiiska ugu soo laaban lahaa, taas oo Dowladda Federaalka ay u aragto mid aan u cuntami karin, marka aad eegto in shakhsi kale ay u waddo Madaxtooyada Galmudug.
Masiirka siyaasadeed ee Qoorqoor ayaa ku xiran in uu sii joogo Dhuusamareeb, si uu u joojiyo doorasho lagu gacan bidixeynayo oo dowladdu ay ka qabato Galmudug.
Dadka reer Dhuusamareeb ayaa walaac ka muujinaya in xiisadda sii kordheysa ay u horseeddo barakac, burbur iyo dib-u-dhac aan la mahdin doonin.