Home Wararka Maanta Ugaas Xasan Cabdi “Annaga Shabaab ma nihin, Koonfur Galbeed baa nala yiraahdaa”

Ugaas Xasan Cabdi “Annaga Shabaab ma nihin, Koonfur Galbeed baa nala yiraahdaa”

by Laacib

Maamulkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta si adag uga jawaabay eedayn uga timid Dowladda Federaalka, oo ku eedeysay in ay ku milmeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhiga oo Jimcihii ka warbixisay weerarkii Khamiistii ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo, laguna dilay Saraakiil iyo askar ka tirsan Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, kuwaas oo si toos ah ugu milmay bay wasaaraddu warsaxaafadeed ku sheegtay Khawaarijta Al Shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhiga waxay caddeynaysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al Shabaab. Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujineysa in maleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla-markaana khatar ku ah amniga qaranka iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa beeniyay in Ciidamada Koonfur Galbeed ay xiriir la sameysteen maleeshiyada Al Shabaab.

“Ciidamada Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed dabcan waxay ku dhisan yihiin sharci u ogolanaya in Dowlad Goboleedyadu ay sameysan karaan ciidan ayaga u gaar ah oo ilaalinaya shacbiga Dowlad Goboleedyada dalka ka jira, gaar ahaan Koonfur Galbeed Somaliya, dabcad dee waa kuwii shalayba amnigooda ilaalinayay, la dagaalamayay cid kastoo ku soo gardarroota, kana hortagayay khatar kastoo ku soo socota.” Ayuu yiri Afhayeenka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay goob aan magaceeda la sheegin.

“Waxaan cambaareynaynaa, shacbiga Soomaaliyeed-na aan u sheegaynaa, reer Koonfur Galbeed-na aan u sheegaynaa warqaddii guracneyd ee shalay ka soo baxday Wasaaradda Gaashaandhiga ee lagu tilmaamay in Ciidamada Koonfur Galbeed ay yihiin Al Shabaab. Sida la ogyahayba Shabaab wuxuu ka jiraa geyiga Somaliya, annaga iyo Shabaab-na marka Soomaalinimada laga reebo wax naga dhaxeeya malaha.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan nahay dowlad lagu soo duulay, jiritaankeeda la baabi’iyay, dowladnimadeediina la burburiyay, cadowgii nagu soo duulay nooc kastoo uu yahayba inaan iska dhicino sharciga Koonfur Galbeed iyo Dastuurka Qaranka ayaa noo ogol, mar haddii nafteenna iyo maalkeenna duulaan lagu soo qaaday.”

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Kuwa warqadaha aan laga fiirsanin qoraaya ee leh Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Dowladda Koonfur Galbeed oo Madaxweyne Cabdicasiis uu Madaxweynaha u yahay baa Shabaab ah, waxaan dhihi karnaa ayagaa argagixiso ah, ayagaa dalkeennii ku soo duulay. 250km bay Magaalada Baydhabo u jirtaa Magaalada Muqdisho, iyagaa dabaabaadkii qaranka soo kaxeystay, iyagaa argagaxiyay dadkeenna, iyagaa baabi’iyay dowladnimadeenna, iyagaana jiritaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si cad u baabi’iyay.”

Ugaas Xasan Cabdi ayaa intaasi ku daray “Qorshaha ugu weyn ee laga leeyahay qof kasta oo ka aragti duwanaada Dowladda Federaalka in lagu shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, waa xeelad ay isticmaalaan kuwa warqadaha beenta ah soo qoraaya. Annaga Shabaab ma nihin, Koonfur Galbeed baa nala yiraahdaa, waddanku waa federaal, qolo walbana iyadaa is maamuleyso, dowladnimadeedana iyadaa u madaxbannaan, cidna lagama ogolaanaayo fara-gelin qaawan oo toos ah iyo mid dadbanba. In dadka reer Koonfur Galbeed, Somaliya jiritaankeeda lagu baabi’iyo, ka dibna lagu xalaaleysto dhiigooda oo la yiraahdo dowladdii jirtay ee Koonfur Galbeed ee sharciga ku dhisneyd iyo ciidamadooduba waa Shabaab, halkaa waxaa inooga muuqda in la rabo in la xalaaleysto dhiigga shacbiga reer Koonfur Galbeed iyo madaxdooda, laguna tilmaamo inay yihiin argagixiso.”

Dowladda Federaalka ayaa waxaa 30-kii bishii March u suurtagashay inay meesha ka saarto Madaxweyne Laftagareen, saacado ka dib, markii Ciidamada Militariga ay la wareegeen gacan ku haynta Baydhabo.

Laftagareen oo wixii xilligaasi ka dambeeyay saldhig ka sameystay Magaalada Nairobi ayaa horaantii bishan wareysi uu bixiyay ku sheegay in uu isagu weli yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamo u badan Daraawiishta Koonfur Galbeed oo isaga taabacsan, bishii April-na aaday dhinaca Gobolka Gedo ayaa laba todddobaad ka hor dib ugu soo laabtay deegaanada qaar ee hoostaga Baydhabo.

Ciidamadan ayaa waxay 8-dii bishan May bilaabeen inay weeraraan kontoroolada laga soo galo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxayna Khamiistii ku lug yeesheen weerar lagu laayay askar iyo Saraakiil ka tirsan Militariga Somaliya, wuxuuna noqday weerarkii ugu weynaa ee lagu beegsado Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo is bedelkii amni iyo siyaasadeed ee daba-yaaqadii bishii March ka dhacay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc