Home Wararka Maanta Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Baydhabo (SAWIRRO)

Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha cusub ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Isaaq Aadan Berdaale ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, saacado uun ka dib, markii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu u magacaabay inuu noqdo Taliska Qaybta 60aad ee fadhigiisu yahay magaaladaasi.

Taliyaha oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo.

Taliyaha oo ka hadlayay kulan soo dhawayn ah oo loogu sameeyay magaalada ayaa Saraakiisha Ciidamada u sheegay in ay shaqo badan sugeyso.

Taliyaha cusub ayaa bedelaya Korneyl Maxamed Yariisow Aadan, kaas oo wax ka yar hal sano ku magacawnaa Taliyaha Qaybta 60aad. Korneylka la bedelay ayaa muddooyinkanba ka maqnaa Magaalada Baydhabo.

Dhanka kale G/dhexe Cabdulle Isaaq Ibraahim ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Guutada 8aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Cabdulle Isaaq Ibraahim oo hadda ahaa Taliyaha Saldhigga Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose waxay magacaabiddiisu ka dambeysay, ka dib markii Taliyihii Guutada 8aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Caddow) lagu dilay weerar Khamiistii ka dhacay duleedka Baydhabo.

Magacaabidda labada taliye ayaa imaneysa, iyadoo uu culeys amni ka jiro Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc